Madaxwayne Biixi Oo ka hadlay Dil Burco lagu gaystay Hooyo Saddex Caruura leh.

0
473

Hargeysa (Dawan)- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa ka hadlay Dil magaalada lagu gaystay Hooyo Saddex Caruura leh.

” Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa , gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haweenka , dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda ,

Waxaanan farayaa hay’addaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , balana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho ” ayuu yidhi

Leave a Reply