Waxa Sabab U Noqday Naxdinta! Qofna Haka Nixin

0
371

Marcus Mosiah Garvey waxa uu ahaa hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa siyaasadeed oo reer Jamaica ah, waxaana uu ahaa weriye, ganacsade, iyo aftahan. Waxa kale oo uu ahaa aasaasihii iyo Madaxweynihii ugu horreeyay ee Guud ee Ururka Hagaajinta Nabada ee Bulshada Afrika. Fikir ahaan waa nin wadani ah oo madow,  Pan-Africanist. Bishii Janaayo 1940, Garvey waxaa ku dhacay istaroog (dhiig kar) waxana uu noqday naafo. Xoghayihiisa, Daisy Whyte, ayaa faafiyay warar xan ah oo ku saabsan geerida Garvey, isagoo weli nool.

Arinkan ayaa horseeday in wargeysyo badan ay daabacaan tacsi deg deg ah, kuwaasi oo qoraaladooda loo keenay oo uu akhriyay Mr.Garvey.

Garvey ayaa tacsidaasi aad uga xumaaday, iyo geerida lagu sheegay isagoo nool iyo baahinta wargeysyada, waxaana ay sababtay inuu miyir beelo isagoo dhiig karku aad ugu kacay. Muddo yar ka dibna waa uu dhintay isagoo da’diisu tahay  52 sano 10 June 1940. Waxa uu dhintay naxdinta ku dhacday isagoo lagu aasay kiniisad ku taalla galbeedka London.  Iska ilaali inaad qofna ka nixiso, waayo naxdintu waxay sababtaa geerida degdega ah iyadoo kicisa xanuunada qofku qabo sida macaanka, dhiig karka iwm.

Leave a Reply