Guddoomiye Farxaan oo ka Hadlay Xuquuqda Hawl-gabka, iyo Daryeelka Shaqaalaha Dawladda

0
674

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda mudane Farxaan Aadan Haybe, ayaa ka hadlay tirada shaqaalaha dawladda ee sannadka 2021-ka hawlgabka ka noqonaya shaqada dawladda.

Waxaa kale oo uu sheegay in qorsheyaal lagu horumarinayo aqoonta shaqaalaha dawladda, laguna  daboolayo baahida kala duwan ee aqooneed ee looga baahan yahay in ay yeeshaan guud ahaan shaqaalaha dawladdu.

Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in qorshaha dawladdu u  yahay ka hawlgalka baahiyaha kala duwan iyo duruufaha ku gadaaman shaqaalaha dawladda, sida caafimaadka, guryaha iyo daryeelkooda guudba.

Waxaa kale oo uu tilmaamay shaqaalaha dawladda in xuquuqdoodu dhawran tahay masuula aanu eryi karin qof shaqaale ah, waxaanu sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyay wargeyska Dawan.

Guddoomiyuhu mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay da’da hawlgabka iyo xuquuqda ay helayaan waxaa uu yidhi.“Adduunka oo dhammi oo nidaamka hawlgabka waa uu ku shaqeeyaa, waana nidaam soo bilaabmay wakhtigii asxaabta, qofku marka uu gaadho da’a hawl gabka ee siyaasadu jidaynayso, dada hawlgabkana lixdan ayaanu is leenahay aad ka dhigtaan, golaha wasiiraradda iyo baarlamaankaba waanu horgeynaynaa, taasi ayaana noo jidaynaysa sidee ayuu qofku u hawlgabayaa, dada hawlgabkuna waxaa ay noqoneysa wixii ugu qoran kaadhkiisa shaqada ugu qoran.

Sannadkani waanu isku soo dubaridnay inta galaysa hawlgabka, shaqaalaha dawladda tiro kun ku dhaw ayaa laga yaaba in ay tirade hawlgabka gasho lagana saaro liiska shaqaalaha dawladda.

Hadaba maxaa qofkii ku waajibayaa? Adduunka oo dhan waxaa uu ka siman yahay qofku mushaharkiisi boqolkiiba todobaatan ayuu helayaa, qofka doonaya in isaga oo aan hawlgabkii gaadhin in uu shaqadii ka tago isaga xuquuqdiisi ayaa la siinayaa, balse kan kale inta uu nool yahay ama dhul yaal ha noqdo ama ha xannuunsado ee boqolkiiba todobaatan ayuu mushaharkiisi ka soo doonanayaa xafiiska, waddan aan la aqoonsan, oo aan shidaal dibada u dhoofin, oo aan macdan dibada u dhoofin, oo haddana halkaasi maraya in uu isagu isku tashado cidd inaga caawinaysa ma jirto ee xukuumadda uunba qorshaysay.

Laba arrimoodna dabada ayay ka wadaan, siyaasiyan iyada oo talada madaxweynaha ah, ahna in dadkan la shaqaalaysiiyo dadka waa weyna daryeel iyo xuquuq la siiyo, maalin walba jaamacadaha intaasi oo carruur ah ayaa ka soo qalinjabisa, waana ubadkii ay dhalleen dadka dawlada u shaqeynaya, marka marka uu qofkiina gaboobo ilmihiina shaqo la’aan ku dhaco ee ay isku dul dhacaan maxaa uu mustaqbalkoodu noqonayaa, marka dawladdu iyada dadkaasi ka masuula qorshe u sameyntooda iyada oo awoodeeda adeegsanaysa, marka qofku marku lixdan iyo shan gadho hawlgab ayuu galayaa, afartan danbe haddu noolaado masuuliyadiisu xukuumadda ayay saaran tahay siyaasaddaasi ayaana lagu shaqaynayaa”

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay daryeelka caafimaadka shaqaalaha dawladda iyo helitaanka guryo ay degaan shaqaalaha dawladdu ayuu yidhi. “Hadii dadku cashuurta bixin lahaayeen dawladdu mushaharka waa ay u kordhin laheyd shaqaalaha, sababto ah cashuurtii lama bixiyo, qofkii hadii kun dollar uu qaadan lahaa waxaa laga yaaba in qofku caafimaadkiisa dabooli karilahaa, dawladdiina haynteedii waa ay yar tahay ee hagrasho maahe bixinta in ay wax bixisa haynteedi ayaa yar, marka waxaa aanu ka fikirnay waar ninyow siday u heli karaan caafimaad jaban, dasaarad hor dhaca ayaanu sameynay, wasaaradda maaliyada waanu isla eegnay, madaxweynaha ayaanu kala tashanay, qaybo ka mida shaqaaalaha ayaanu la tashanay.

Marka waxaa aanu ogaanay in dhibka ugu weyn ee shaqaalaha haysta in ay tahay kiro guri, laydh, biyo, iyo caafimaadkii, sababto ah qofku waxaa uu wadnaha farta ku haya berry hadaad xannuunsato ilayn wixii yaraa ee aad qaadanaysay kala hadhimayse mar hadaanad hayn wax aad xabbad kiniina siisato sow yaab maaha, marka kelmada ah mid hayntooda u cuntantaa waxa weeyi mar hadii aanu jirin mushahar awood loo leeyahay oo la kordhiyaa, qofkii maxaa ka go’i karayaa caafimaadkiisi haddii uu xannuunsado? Marka waxaa aanu fikirnay hab yareyna kharashka shaqaalaha kaga baxa caafimaadka, oo si farsamo kale ah, looga qaadi karrayo, tiina waxaa ay u baahan tahay daraasadd, marka imika daraasadii ayaanu imika shaacinay oo aanu daahfurnay, marka marka doodani la wada gorfeeyo waxaa aanu doonayna in boqolkiiba boqoll aanu damaanad qaadno caafimaadka shaqaalaha dawladda, shaqaalaha ayaanu ku bilaabayna marka danbena ilaa qoyskiisa awoodeena dhaqaale ayay ku xidhan tahay.

In shaqaalaha dawladdu guryo helaan waxaa ku hawlan oo wada wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta, nashqadihii oo dhammeystiran golaha wasiiradda ayaa la horgeeyay, waxaana imika la bilaabaya siyaasadii maamulka guryahaasi.

Qofka shaqaalaha ahi guriga maka iibsan kara dawladda, haduu ku jiro maxaa dawladdu uga qaadaysa ugana jaraysa, marka siyaasada marka la sameeyo ayay soo baxaysa in bilaash looga dhigo, in la yidhaaho mid hayntiisa u cuntanta oo bishi iska bixi shan iyo toban dollar iyo wixii la mida, in la yidhaaho waad iibsan karta oo boqolkiiba afartan hadii aad iska bixiso dawladduna waxaasi ayay kaa daynaysaa, waxaana waa laga jaraya, waana dhiirigelin sidii shaqaalihii loo sii hayn lahaa, marka imika daraasadii ayaa la bilaabaya siyaasadiina waala jaangoynayaa, oo mashruucan dib u haybaynta shaqaalaha dawladda ayaanu isku dayayna in aanu ka caawino siyaasaddaasi”

Mar uu ka hadlayay baahida loo qabbo aqoonta shaqaalaha la barayo waxaa uu sheegay in ay daraasad wadaan iskana kaashanayaan maxadka TNA ee waddanka Gaana, si loo soo saaro shaqaale la baray aqoonta loo baahan yahaya ee Qaran ka ugu adeegaan. “Waxaa aanu bilownay in aanu daraasad ku samayno hordhaca maxadka shaqaalaha dawladda oo anaga na hoos yimaada waxbarashada uu bixiyo ee uu shaqaalaha siiyo ee bilaashka ah, ee ilaa heerka koobaad ee Digreega ku salaysan, marka waxaa aanu ogaanay in sannadihiii u danbeeyay la waday uun urban management, in  ay xidhiihd la leedahay waxan la baraya shaqaalaha marka waxaa aanu oganaahay in waxan la dhigaya hay’addihi dawlada shaqaalahii ka hawlgalayay aqoontoodii xidhiidh la lahayn, marka waxa aanu baanka adduunka waydiisanay in waddamada aanu jaarka nahay mid ka mid ahi nala qaabeeyo guud ahaan manaahijta wax lagu baro shaqaala weynaha kala duwan, waxaa aanu marka xidhiidh la sameynay Gaana, Ruwada, iyo Itoobiya,   Gaana ayaanu qaadanay marka waanagii heshiiskaasi daahfurnay, TNA, Taraining Needs Assesment, oo maxadkii Gaana iyo anagu aanu wada sameynayno, waxaa aanu ogaanayna maxaa wasaaradd waliba ay u baahan tahay marka baahida qiimaynta tababarada marka aanu samayno ayaa lagu salaynayaa dib u qaabeynta maxadka shaqaalahu sida uu noqonayo, ma PHD ayuu bixinaya, ma Mestar ayuu bixinayaa, muxuu bixinayaa, Digrebu bixinayaa, baahida waxbarashada shaqaalaha maka turjumayaa, wali wasaaradda warfaafiinta umaanan qaban tababaro xidhiidh la leh shaqada ay bulshada u hayaan, marka imika ayaanu ku hawlanahay, marka halkaasi waa halka laga xoojin karo aqoonta shaqaalaha waanay is daba socotaa, oo mar daryeelkooda ayaanu ka shaqeynaynaa, marna aqoontooda ayaanu ka shaqeynaynaa, marna caafimaadkooda ayaanu ilaalinaynaa”

Dhanka kale mar uu ka hadlayay shaqaalaha cabasho qabba halka ay uga dacwoon karaan masuulka ka sarreeya waxaa uu yidhi. “Horta mid waan caddeynayaa haddii berigii hore wasiirka ama agaasimuhu iska eryi jiray maya oo ma dhacdo imika, xaq wuu u leeyahay  shaqo hakin qofkii xatooyo ama qof kale la dagaalama, hay’adda shaqaalaha ayaa awood u leh xeerka shaqaalaha ee 96/07 ayay ku taala kan danbena sidaasi ayay ugu taala, sababto ah qofki shaqaalaha ahaa waa khidmeeye in qof uu warbaahinta u soo fadhiisto oo ka aflagaadeeyana uma bannaana, tobanaan ayaa jira wasaaradduhu anshax marin noogu soo qoreen oo aanu dib ugu celinay markii aanu dhageysanay markhaatiyadii iyo hadalkiisiiba”

Leave a Reply