Basaska Xaafadda Sheekh Nuur oo Shaqo Joojin Sameeyay iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo Goobta Gaadhay

0
753

Hargeysa (Dawan) Basaska yar yar ee caasiga loo yaqaano ee  u baxa Xaafadda Sheekh Nuur magaalada Hargeysa, ayaa shalay sameeyay shaqo joojin, kadib markii laga joojiyay jid ay xaafadaasi u mari jireen.

Sidoo kale waxaa la xidhay qaar ka mida wadayaasha baabuurta bulshada xaafadaasi u adeegta.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, oo gaadhay goobtan basasku shaqa joojinta ay ka sameeyeen ee istaanka xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in la xalinayo wixii dhiba ee jira, waxaanu ku wargeliyay wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee xaafadaasi in ay shaqada sideedii u wadaan.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed Cabdi,  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Basaska yar yar ee Dalmar iyo degmada Gacan Libaax khilaaf iyo saldhiga New Hargeysa, marka hore dhammaanteenba b ulshada ayaynu u adeegaynaa dad jilicsan, dad danyara  ayaa baskan soo raaca, cidi shaqo joojinta sameysayna waanu kala xisaabtami doonaa, markaad cabatin qabtaan masuuliyiinta ay khuseyso ee aan anigu ugu horeeyo ayaa lagala xisaabtamayaa, imikana waa aynu xalinayna wixii dhib ah ee jira shaqaduna sideedii haw socoto, dadweynahana haloo shaqeeyo, xaafad bas la’aan kartaana ma jirto xaafada Daamina xaq ayay u leedahay in ay bas hesho baskuna waa uu tagaya, kii loo garto ee xaq u yeesha ayaa tagaya”

“Anagu waxa aanu ka shaqeyna danta dadweynaha, jidkani aanu mari jirnay oo dayactirkiisa ay shan kun oo dollar nagaga baxeen ayaa la yidhi ka baydha, jidkii aanu waligayo mari jirnay in maanta la yidhaaho ka baydha nama qabato, maamulkayagiina waxa ay ku xidhan yihiin saldhiga New Hargeysa”Ayuu yidhi mid ka mida wadayaasha gaadiidka xaafada Sheekh Nuur, ee shaqo joojinta sameeyay.

Leave a Reply