Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee JSL oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Beesha Caalamka

0
393

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta oo Salaasa ah xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda midowga Yurub iyo dalalka Somaliland ka taageera howlaha Doorashooyinka, waxaanay ka wada hadleen is-kaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.
Kulankan oo saacado qaatay, ayaa waxyaabaha ay sida gaarka ah ugaga wada hadleen waxa kamida doorka Garsoorka dalku ku leeyahay Doorashooyinka iyo xorriyaadka aas-aasiga ah.
Weftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Britain, Netherlands iyo madax ka socotay xafiiska EU-da ayaa guddoomiyaha kala hadlay arrima la xidhiidha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh iyo doorkii ay ka qaateen hay’adda garsoorku arrintaasi iyagoo soo dhaweeyay kaalinta garsoorku ka qaadan karo doorashada la filayaa in dhawaan ay dalka ka qabsoonto.
Geestiisa guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyay taageerada ay qaranka Somaliland siiyaan isagoo u soo jeediyay in ay kordhiyaan taageeradaasi.
Guddoomiyaha ayaa u sheegay weftigan in Somaliland xoriyada hadalku tahay arrin si weyn loo tix-galiyo, isla markaana aan la cabudhin warbaahinta, waxaanu tibaaxay in ay helaan gar-naqsi cadaalada ah, kaasi oo u suurtagaliya in ay is-difaacaan, haddii loo baahdana ay qabsan karaan qareen u dooda marka laga cawdo ama la dacweeyo.
Waxa kale oo guddoomiyuhu la waddaagay waftiga ka socday dawladaha Yurub iyo Ururka Midawga Yurub in garsoorku marwalba soo dhaweeyo isla markaana uu cabashadooda dhagaysto Ururada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqal Iinsaanka difaaca.
Gaba-gabadii waftiga iyo guddoomiyaha ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhimac isla markaana waxay uga mahadnaqeen Gudoomiyaha soo dhawynta uu u sameeya.

Leave a Reply