Muddaharaad ka Dhan ah Madaxweynaha Faransiiska oo Burco ka Dhacay

0
581

Hargeysa-(Dawan)-Guud ahaan bulshada magaalada Burco ayaa isugu soo baxay muddaharaad aanay u kala hadjin oo ay kaga soo hor jeedaan gefafka Madaxweynaha Fararsiisku uu kula kacay nabigeenna suubban SCW.

Ganacsatada gobolka Togdheer gaar ahaan kuwa magaalda Burco,ayaa ballan qaaday in ay joojin doonaan waxkasta oo ka yimaadda dalka Faransiiska oo aanay iibin doonin alaabooyinka faransiiska

Muddaharaadka ka dhacay magaalada Burco,ayaa qayb ka ah muddaharaado kala duwan oo ka dhacay dalal   badan oo caalamka Islaamka ka mid ah oo lagaga soo horjeedo ficilda foosha xun ee Madaxweynaha faransiisku uu kula kacay Nabigeenna Suubban(SCW)

Leave a Reply