Ururka Indhoolayaasha Sabiriin oo Bulshada ka Codsaday in Gacan laga Geysto sii Furnaanta Dugsiyadooda Dayntana laga Bixiyo

0
531

Hargeysa (Dawan) Ururka indhooleyaasha Sabiriin, ayaa fariin qaylo dhaana u diray bulshada qaybaheeda kala duwan, kana hadlay duruufaha ku gadaaman, dugsiyada ay ku daymoobeen ee magaalooyinka Borama iyo Hargeysa, ee ay wax ku baraan carruurta aragga naafada ka ah.

Maamulka ururka indhooleyaasha Sabiriin, ayaa sheegay in lagu leeyahay dayn gaadhaysa laba kun oo dollar, awoodna aanay u laheyn in ay iska bixiyaan, waxaanay intaas ku dareen in baahiyo kale ku gadaaman yihiin labada iskuul ee ay carruurta indhooleyaasha wax ku baraan.

Sidoo kale waxaa ay codsadeen in laga bixiyo daynta loona dhiso dugsiyo indhoolayaasha u gaara oo ay wax ku baraan carruurta iyo in macalimiinta gunno loogu helo.

Waxaa kale oo ay sheegeen qodobka ugu weyn ee ay ku daymoobeen iskuuladaasina u fureen in ay tahay sidii diinteena suubban ee islaamka loo barilahaa ubadka aragga naafada ka ah, taasi oo ay tilmaameen in ay awoodooda ka baxsan tahay waxyaabaha ay u baahan yihiin, sida dugsiyo wax lagu baro, macalimiinta oo loo gunneeyo, iyo gaadiid ay u helaan soo qaadida ubadka, maadaama carruurta aragga naafada ka ahi aanay iman kareynin goobaha waxbarashadda.

 

Guddoomiyaha ururka indhoolayaasha Sabiriin, mudane  Liibaan Cali Aadan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Nebigu (SCW), waxaa uu yidhi ‘Arlada isugu naxariista ILLAAHEY-ba samada idiinka naxariisanaye, waxyaabaha nagu adag waxaa ka mida gaadiidkii  ubadka aanu wax barno ee aragga naafada ka ah soo qaadi lahaa.

Waxaa maxadkayagu isu taagay waa sidii dadka aragga naafada ka ahi diinta ILLAAHEY u baran lahaayeen, ujeeddada aanu ururka iyo goobtani waxbarasho aanu u aasaasnayna waa taasi.

Macalin kaliya oo maanta maxadkani mushahar ka qaataa ma jiro, mudadaasi sannadka iyo siddeedda bilood ah ee uu jiro tabarucaad ayaanu wax ku baranay ardayda, kan iyo ka kale ee magaalada Borama aanu ka furnayba, baahiyaha ugu badan ee aanu tabaynaa waa gaadiidka, iyo farta ay wax ku bartaan dadka aragga naafada ka ahi, sidoo kale goobtan aanu ubadkan wax ku barnaa waa nagu kiro markaa in na loo dhiso goob aanu ubadka wax ugu dhigno ayaanu bulshada ka codsanayna macalimiintana in naloo gunneeyo”

Mowliid Yuusuf Colow, guddoomiye ku xigeenka ururka indhoolayaasha ee Saabirin ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in lagu leeyahay dayn dhan laba kun  oo dollar, waxaanu bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ILLAAHEY dartii looga soo bixiyo dayntaasi waxaanu yidhi. “Daynta ka urur ahaan nalagu leeyahay laba kun oo dollar ayay noqonaysaa, marka la isku daro labada maxad ee Borama iyo Hargeysa, marka waxa aanu walaalaha muxsiniinta ah ka codsanaynaa in ay ILLAAHEY dartiii nooga soo bixiyaan.

Mustaqbalka aanu doonaynaa waxaa weeye sidii aanu hore ugu marin laheyn dadka aragga ka naafada ah, islamarkaana aanu u gaadhsiin laheyn waxbarashada, barashada diinta islaamka, oo lagu barayo farta dadka aragga naafada ka ah”

“Fariinta aanu dirayna waxaa ay tahay in nalaga taageero meel aanu wax ku barano oo naloo dhiso, in nalaga taageero gaadiid, in macalimiinta waxna bara mushahar loo qoro ILLAAHEY dartii ayay  wax noo baraan, kuma jiro macalin kaliya oo gunno qaataa, sababtoo ah wax mushahara oo ay qaataan ma jirto, meelna kuma tiirsana, taageero badan ayaanu u baahanahay”Ayey tidhi Habboon oo ka mid ah hablaha aragga naafada ka ah ee iskuulkani daynta loo haysto wax ka barataa.

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply