Somaliland oo Digniin adag u Dirtay Qaramada Midoobay iyo Maamulka Xamar

0
475

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi  Cabdi oo  hadal ka jeediyey Shirka 7-aad ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye , ayaa duray Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo sheeegay in madaxtooyada Villa Somalia wax looga yeedhiyo.

“Sannadahan dambe hay’addo aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay ka mid yihiin hay’addo badan oo isku magacaaba samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga urursada waxaanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA  ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso.”  ayuu yidhi

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaas ku daray; “Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.”

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland digniin culus u diray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’addaha kale ee ku abtirsada. “Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’addaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar oo ay nagula dhaqmaan oo ay keenaan Somaliland, waana xaaraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply