Xulalka Sool iyo Badhan oo ka guulaystay Goboladda Togdheer iyo Salal

0
799

Hargeysa-(Dawan)-Gobolka Sool ayaa hal gool iyo eber ku muquuniyey Xulka Gobolka Togdheer halka Xulka Gobolka Badhan ay 4 Gool ugu awood sheegteen Xulka Gobolka Salal.

Xulalka gobollada Togdheer iyo Sool oo ka wada tirsan Group D ayaa galabta ku kulmay tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka socda garoonka Hargeysa Stadium.

Waxayna labada xulba soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad badan isla markaana aad u soo jiidatay dadweynihii garoonka ku sugnaa iyo bulshadaii kale ee kala socotay warbaahinta qaybaheeda kala duwan ee sida tooska ah u tabinaysay.

Waxaana qaybtii hore ee ciyaarta ayaa Xulka Gobolka Sool waxay la yimaadeen goolkoodi 1aad ee madiga ahaa kadib markii kubad laga soo shaqeeyay ay ku hubsadeen shabaga goolka xulka gobolka Togdheer.

Qaybtii labaad ee Ciyaarta markii la isugu soo noqday ayaa labada xulba waxay garoonka la yimaadeen hannaan ciyaareed farsamadiisu sarayso oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis.

Wakhtigii loogu Talo galay Ciyaarta ayaa ku dhamaaday 1 Gool oo ay Guushu ku raacday Xulka Gobolka Sool oo si rasmi ah ugu gudbay wareega labaad ee Tartanka ciyaaraha Goboladda Somaliland.

Xulka Gobolka Togdheer ayaa la Ciyaari doona Xulka gobolka Gebilay .

Geesta kale, xulalka gobollada Salel iyo Badhan oo ka wada tirsan Group C ayey galabta dhexmartay ciyaar aad u adagi Garoonka Hargaysa Stadium.

Waxayna labada xulba soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo aad u degan inkasta oo ay ku kala duwanaayeen xagga shaxda ciyaarta, iyada oo qaybtii hore ee ciyaarta ay xulka gobolka Badhan soo bandhigeen weerar xoogan ay ku hujuumayaan goolka xulka gobolka Salel, iyagoo qaybta hore ka dhaliyey 3 Gool iyo eber.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii laysugu soo noqday oo ay labada xulba la soo tashadeen tababarayaashooda ayaa la gole yimid hannaan ciyaareed farsamadiisu sarayso.

Waxayna Xulka Gobolka Salal u Suuro gashay inay la Yimaadaan Goolkoodi kowaad hasa yeeshee Xulka Gobolka Badhan ayaa mar kale keensaday Goolkoodii 4-aad ee guusha, Hasa yeeshee daqiiqadihii wakhtiga dheeriga ah ee lagu daray Ciyaarta ayaa Xulka Gobolka Salal ay la yimaadeen goolkoodi 2aad.

Waxayna Ciyaartaasi ku soo gabo gabowday 4 Gool oo ay guushu ku raacday Gobolka Badhan iyo 2 Gool oo ay la yimaadeen Xulka Gobolka Salal, Xulka Gobolka Salal ayaa Ciyaartiisa xigta la yeelanaya Xulka difaacanaya Koobka goboladda Somaliland ee Awdal.

Maalinta Beri oo Isniin ah Waxaa wada Ciyaari doona Xulalka Hawd iyo Maroodi jeex halka Ciyaarta labaad ay dhex mari doonto Xulalka Buuhoodle iyo Saraar oo dhamaantoodba ka wada tirsan Group A.

Leave a Reply