Kala Duwanaanta Caqliga Iyo Caadifadda!

0
624

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo marka si wanaagsan looga faa’iidaysto gaadha go’aamo muhiim oo duruufaha taagan lagag gudbo. Marka uu go’aan gaadhayo caqli waxnaagsani waxa uu adeegsada macluumaad iyo warbixino muhiim ah oo uu helay. Xaaladaha muhiimka ah caqligu haduu shaqayn waayo waxa halkiisa gala caadifadda oo ku dhisan xaasidnimo, been, cunsuriyad, islaweyni iyo mala awaal aan xaqiiqo ahayn.

Qofka caqliga adeegsada waxa uu ku dhow yahay cilmiga iyo  aqoonta, Waxa uu u fikiraya si macquul ah oo waayo aragnimo ku lamaan tahay.  Waxa kale oo qofka xakiimka ahi adeegsada xaqiiqooyin iyo cilmi baadhisa uu qorshe hagayo, isagoo diiradda saara yoolna ka dhigta higsigiisa.

Qofka Maskax badan ee Xikiimka ahi waxa uu sameeyay Fikir dareen leh iyo Jaangooyn isu dheellitiran oo u dhexeeya caqliga, mandaqa iyo caadifadda. Caaqilku hawlihiisa oo dhami waa kuwo ku salaysan kuna jaango’an maskax shaqaynaysa oo fikiraysa, rogrogaysana arrimaha taagan.

Caadifaddu waxa ay adeegsataa fikir macquul ah oo adag, go’aanada uu gaadhanaa waa kuwo ku dhisan caadifad, oo ay ku ladhan tahay falcelin degdeg ah. Caadifigu waxa uu adeegsadaa baahiyaha nafsaaniga ah ee lagama maarmaanka ah.

Waxaana caadifadda oo aanu caqligu xakamayni keenta guuldaro uu mar danbe qofka adeegsaday garto khaladkiisa. Caadifaddu waxay ka dhalataa jawi la galay oo ay si aan ka fiirsi lahayn uga jawaabto, caqliguse xaalad kasta wuu miisaamaaya oo qiimeeya ka dibna ka jawaaba.

 

Leave a Reply