Xeeladaha Is Dhaafsiga Basaasiinta Xidhan!

0
419

Subax Jiilaal ah , 17 Decemebar  ayay saddex nin oo xidhan koofiyado madaw iyo kabo waaweyn ay ka soo degeen Gaadhi yar oo midabkiisu buluug yahay, Gaadhiga ayaa taagnaa magaalo ku taalo dhinac waqooyi ee Dalka Jarmalka.  Raggaasi waxay istaageen goob biriishka webiga ee magaalada u dhow iyagoo baala daymonaya dhinacyda oo kolba dhinac u jeesanaya.

 

Muddo yar ka dib Webiga qarkiisa waxa isa soo taagtay Dooni kuwa mishiinka ah, waxaana ka soo degay saddex nin oo xidhan Jaakeeto Boodhe ah iyo koofiyado madow, iyo kabo la mid ah kuwii ay xidhnaayeen saddex nine ee hore.

Sadexda nin ee biriishka taagnaa iyagoo aamusan ayay u dhaqaaqeen dhinicii doonida, muddo yar ka dibna dib ayay usoo noqdeen.

laakiin markan ay soo noqdeen waxay ahayeen laba nin oo kofiyado madow xidhan iyo nin xidhan jaakeet boodhe iyo koofiyad madaw.

Subaxaasi qofkii daawaynayay muu garanayn mana fahmin in la is  dhaafsaday laba basaas oo muhiim ah oo mid kastaa dalkiisa ku weyn yahay.

Leave a Reply