Wasiirro Ka Qayb Galay Xaflad Loo Qabtay Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Admas

0
686

Hargaysa (Dawan): Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyay arday ka qalin jebiyay jaamacadda ADMAS faraceedda magaaladda Hargaysa.
Ardayda maanta ka qalin jebiyay jaamacadda Admas oo noqonaya dufcadii 12aad ee ka aflaxa jaamacadda Admas ayay tiradoodu gaadhaysay ilaa 500 oo arday ayaa ka kala qalin jebiyay kuliyadaha kala duwan ee jamaacadda Admas ay bixiso.

Kuwaasoo isugu jiray arday dhamaystay heerka koowaad ee waxbarashadda jaamacadda (degree), iyo heerka labaad (master).

Munaasibadda qalin jebinta oo ka qabsoontay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland, agaasimaha guud ee madaxtooyadda Somaliland.

Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland, maayarka magaaladda Berbera, xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland.

Sidoo kale waxaa xafladaasi lagu soo casuumay siyaasiyiin ka tirsan xisbiyadda Kulmiye, Wadaani iyo UCID, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kaloo badan.

Waxa kaloo xafladaasi joogay maamulka jaamacadda Admas oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha jaamacadaasi, guddoomiye ku-xigeenka Xuseen Cabdi, hormoodka kuliyadaha kala duwan ee jamacadda Admas.

Geesta kale waxaa munaasibadaasi joogay waalidiinta ardayda qalin jebinayay oo farxadda iyo dabaal dega kala qayb qaadanayay ardaydoodda.
Masuuliyiintii, siyaasiyiintii iyo maamulka jaamacadda Admas ayaa munaasibadaasi hadallo ka jeediyay.

Iyadoo ardaydan maanta ka qalin jebiyay jaamacadda Admas uu shahaadooyinka guddoonsiiyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland.

Dhinaca kale gebagabadii munaasibadaasi ayaa maamulka jaamacadda Admas waxay shahaado sharafyo la guddoonsiiyay wasiirro, siyaasiyiin, iyo masuuliyiin kale oo magac ku dhex leh bulshadda Somaliland.

Masuuliyiintii shahaado sharafta la guddoonsiiyay waxaa ka mid ahaa wasiirka deegaanka Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, xildhibaan C/qaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland.
Guddoomiyr ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, maayarka Berbera C/shakuur Cidin, marwo Faadumo Siciid Ibraahim, iyo masuuliyiin kale.

 

ee

Leave a Reply