Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo 27 Jirsaday

0
912

Hargeysa-Dawan)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dabaal-degay  sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay markii la Aas-aasay ciidanka  oo maanta ku beegan.

Munaasibadda xuska 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Booliska, ayaa ka qaybgalay Madaxweynaha,  guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, qaar kamid ah madaxda hay’adaha gacansaarka la leh ciidanka Booliska, Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya Aas-aaskii ciidanka Booliska iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan taabbo-gelinta amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabka.

Ugu horrayn ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta ciidanka Booliska gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan, ayaa ugu horrayn shacabka la wadaagay dambiyadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay sannadkii ugu dambeeyey iyo sida ay ciidanka Boolisku ula tacaaleen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen dambiyadii dalka ka dhacay oo ay dilalka dadka iyo kufsigu safka hore kaga jiraan.

 

 

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa isaguna ku dheeraaday horumarka ballaadhan ee uu ku tallaabsaday ciidanka Boolisku ee dhinacyada tababarka, gaadiidka iyo helitaanka agabyada kale ee muhiimka ah u ah shaqada ay bulshada ugu igman yihiin, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay ciidan ahaan samaysteen qorshe iyo yool cad oo ay ku gaadhayaan abbaarta u astaysan ee ay higsanayaan muddooyinka soo socda.

 

 

Taliyuhu waxa uu sheegay inay ka hoggaan ahaan muhiimad gaar ah siiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ciidanka ee dhinaca la shaqaynta shacabka iyo isku xidhnaantooda, islamarkaana ay aqoonta baadhayaasha iyo midda taliyayaasha saldhigyadaba dhiseen, dib-u-habayn ballaadhanna sameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen waax gaar u ah cabashooyinka dadweynaha si la isugu soo dhaweeyo shacabka iyo booliska.

Leave a Reply