Madaxweynaha Oo Sheegay in Ciidanku Naftooda Halis u Geliyaan Qarankooda

0
483

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland oo  shalay  ku beegnayd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ciidanka Booliska hambalyo guud u diray, waxana uu sheegay inay qaran ahaan og yihiin hawsha adag ee ay bulshada u hayaan, taas oo inta badan ay kasoo gaadho khasaare naftooda halis geliyaa, waxana uu yidhi, “Waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ciidanka Booliska, janannadooda, saraakiisha, saraakiil-ku-xigeenka, alifleyda, dablayda, iyo xaasadkoodaba, qaran ahaanna waannu uga mahadnaqaynaa hawsha ay noo hayaan, waana ciidan maalin walba iyo saacad walba hawl aan loo ogayn ku jira, dhaawacooda iyo dhimashadooduna badan tahay, qaran ahaanna waannu garab taagannahay.”

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu billado dahab ah iyo derejooyin ku taxay qaar kamid ah saraakiisha kala duwan ee ciidanka Booliska, kuwaas oo shaqo-wanaag iyo hawl-karnimo muujiyey muddadii ay ciidanka kamid ahaayeen, waxana uu kormeeray gaadiid iyo dhismeyaal kala duwan oo ciidanka Booliska usoo kordhay, isaga oo xadhigga ka jaray dhisme ballaadhan oo loo bineeyey saraakiisha ciidanka Booliska.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta ay boolisku kaga jiraan amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka bulshada, waxana uu bulshada ugu baaqay inay ciidanka la shaqeeyaan, isaga oo shaqada ay boolisku dadka u hayaanna bogaadiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidanka Booliska hallala shaqeeyo, hana laga daayo dacwadda laga barbar wado, ciidanka Booliskana waxan faraynaa shaqada in lasii kordhiyo, shaqaduna waa joogto, taasaana ciidan loo yahay, aad iyo aadna waan ugaga mahadnaqayaa sida ay hawlahoodii uga soo baxeen.”

Leave a Reply