Maraykanka oo looga dareeray Doorasho Taariikhi ah

0
671

Dalka Maraykanka waxaa maanta ka socota doorashadii guud ee madaxtinnimada Maraykanka, tan Aqalka Sare ee Senate-ka iyo Aqalka Hoose ee Mudanayaasha.

Ku dhowaad 100 milyan oo qof ayaa horey usoo codeeyey, ayaga oo ka faa’iideystay goobaha cod-bixinta oo xilli hore si kooban loo furay.

Doorashada madaxweynaha ayaa waxaa ku loolamaya madaxweyne Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden oo ka socda xisbiga Dimoqraadiga.
Waa Doorasho aad u xamaasad badan oo wax badan laga saadaalin karo saacadaha soo socda.
Weriyaha BBC-da wuxuu sheegaya inay dhici karaan saddex arrimood oo suurogal noqon kara xilligan doorashada Mareykanka.
Biden oo si fudud u guuleysta

Arrinta ugu horreysa waxay tahay in natiijada ra’yi uruurinta ay tahay mid sax ah, Joe Biden wuxuu habeenkii Talaadada gaaraya guusha.

Iyadoo uu jahwareer iyo khilaaf ka dhashay ololaha doorashada Mareykanka xilligan marka loo barbardhigo afar sano ka hor- Ra’yi uruurinta laga sameeyo dowladda dhexe iyo gobollada muhiimka ah waa kuwa aan waxbo iska baddalin oo sax ah.

Biden wuxuu guud ahaan dalka ku hogaaminayay ra’yi uruurinta, wuxuu shacbiyad badan ka heystaa gobollo dhowr ah.

Sida uu qorayo bogga FiveThirtyEight blog, sida ku xusan ra’yi uruurinta waxay cel celis ahaan kala horreeyaaan boqolkiiba 0.1 iyadoo ay isku dhawan yihiin.

Marka aan tebineyno natiijada ra’yi uruurinta waxaan sheegnaa in in heerka khaladaadka natiijadaas ay noqon karaan in lagu daro ama laga jaro boqolkiiba 3, markaa boqolkiiba 0.1 oo ay wax isku baddaleen dhowr toddobaad kaddib waa arrin aanan la qiyaasi karin, weriyaha wuxuu sheegayaa in habeenka taaladada haddii natiijada ay noqoto middan uusan la yaabin doonin.

Guul lama filaan ah oo usoo hoyato Trump

Waana arrinta labaad ee suurtagalka ah, waa sida dhacday sanadkii 2016-kii, ra’yi uruurinta waxay noqon kartaa mid khalad ah, Donald Trump wuxuu mar labaad ku guuleysan karaa doorashada, arrinta muhiimka u ah guushiisa waa waxa ka socda gobollada Pennsylvania iyo Florida.

Mana jirto cid rumeysan in ra’yi uruurinta muujineyso in saddex ama afar dhibcood uu Biden ku horreeyo gobolka Florida, sanadkan Trump wuxuu shacbiyad badan ka hesytaa dadka Laatinka ah marka loo barbardhigo doorashadii sanadkii 2016-kii.

Gobolka dhaca galbeedka ee Pennsylvania, halkaas oo ay ku nool yihiin dadka caddaanka ah ee shaqeeyo waa arrin horseedeyso guusha madaxweynaha.
Xilli Mareykanka uu ka jiray xayiraadda ka hortagga cudurka Covid-19, Tageerayaasha Trump ee ku kala sugnaa Florida, Ohio, Tennessee, Pennsylvania, North Carolina, Georgia iyo Virginia waxay u muuqdeen kuwa si weyn ugu sacab tumaya isla markaana qaddarin u hayo madaxweynaha.

Siyaasiyiinta dimuqraadiga waxay dhaleeceynayeen madaxweynaha oo ay ku sheegeen in uu yahay qof qeyrul mas’uul ah oo isku keenayo kumanaan qof oo ka qeyb qaadanayo ololahiisa doorashada iyadoo dadkaas aysan kala fogaaneyn.

Doorashada Mareykanka ayaa sanadkan si ka duwan kuwii hore u dhaceysaa iyadoo la adkeeyay nidaamka codeynta si looga hortaggo fiditaanka cudurka.

Sababta kale ee ka qeyb qaadaneyso guusha Trump waxay tahay in Joe Biden uusan si wanaagsan ugu fiicneyn ololaha doorashada gaar ahaan marka ay timaaddo dhiiregelinta codbixiyeyaasha.
Guul lama filaan ah oo uu gaaro Biden

Qodobkan wuxuu lamid yahay kii hore- natiijada ra’yi uruurinta waa been ah, xilligan marka laga reebo, ra’yi uruurinta waxay noqon kartaa mid khalad ah marka dhinaca kale loo fiiriyo, waxaa jiri kartaa suurtagalnimada ah in Biden uu guul weyn gaaro, waana doorasho xamaasad leh, sida dhacday markiii Ronald Reagan uu ka guuleystay Jimmy Carter sanadkii 1980-kii ama markii George HW Bush uu ka guulesytay Michael Dukakis sanadkii 1988-dii.

Madaxweynaha waxaa la arkayay toddobaadkii ugu danbeeyay ee ololaha Trump- inay sare u kaceen kiisaska cudurka, iyadoo ay sare u kaceen dadka la seexinayo cisbitaallada halka tirada dhimashada ay maalin kasta gaartay 1000, tan iyo bishii March dhaqaalaha Mareykanka waxaa si ba’an u saameeyay cudurka.

Xilligii ololaha doorashada Mareykanka sanadkii 2016-kii, Donald Trump wuxuu shacabka u gudbinayay farriin cad ah oo ah- in uu doonayay dhistaanka gidaarka Mexico, in musliimiinta uu ka mamnuuci doono Mareykanka, in uu soo cusbooneysiin doono heshiisyada ganacsi ee Mareykanka la galay dalalka iyo in uu xoojin doono wax soo saarka Mareykanka- Sanadkan wuxuu si cad uga hadlayay waxa uu noqon doono muddo xileedkiisa haddii mar labaad uu xilka qabto.

Rabshado ayaa laga cabsi qabaa in ay dhacaan, waxaana jira diyaargarow laga sameeyey oo goobaha ganacsiga laga dareemayo.

Adduunka oo dhan ayaa isha ku haya natiijada Doorashada.

Dadka aan Maraykanka ahayn way ku kala aragti duwan yihiin guusha labada Nin ee tartamaya.

Leave a Reply