Arrin Kasta Dhinaca Wanaagsan Ka Eeg!

0
536

Markii macalinku casharka sharaxaadiisa waday ayu ku gam’ay fasalkii mid ka mid ahaa ardaydii . Macalinka ayaa canaantay waxaana uu cod dheer ku yidhi “ Waxaad ku soo jeeday daawashada TV-ga markaasi ayaad fasalka dhexdiisa ku gam’aysaa”.

Ardayga ayaa intuu eegay ilka cadeeyay. Macalinka oo aad u cadhaysan kana soo qaaday inuu ku jeesjeesayo ayaa fasalka ka saaray.

Laakiin marki u fasalka ka baxay wiilka yari ilmo ayaa indhihiisa ka da’aysay. Qofna ma oga inuu ku soo jeeday aabihii oo aad u xanuunsanayay oo uu siinayay Dawo.

” Weligaa ogow arrimuhu maaha sida ay adiga kuugu muuqdaan, dhinacyo badan ka eeg. Mar kastana dhinaca wanaagsan raac.

Leave a Reply