Gobolka Hawd oo Kaalinta Koobaad Galay Orodka labada Boqol ee Mitir

0
618

Hargeysa (Dawan) Yacquub Isxaaq Axmed ahna wiilkii kaalinta koobaad galay, una matalayay gobolka Hawd ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in kaalinta koobaad uui ugalo orodka labada boqol ee mitir  ah, islamarkaana uu rajaynayo mustaqbalka in uu meel sare ka gaadho.

Yacquub Isxaaq Axmed orod-yahankii maanta kaalinta koobaad galay orodka labada boqol ee mitir, una matalayay gobolka Hawd/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Yacquub Isxaaq Axmed isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in orodka labada boqol ee mitir kaalinta koobaad gallo, shalay maahe doraadna waxaan kaalinta koobaad galay orodkii tobanka mitir,waxaan u matalayay gobolka Hawd, waxaan u rajaynaya hadii ILLAAHEY yidhaaho guul iyo in aan oroddada meel sare ka gaadho, oo dalka Somaliland guulo badan u soo hooyo”

Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdiraxamaan Xaddi ayaa ka warbixiyay sidii kaalmaha orodada ay u kala galeen gobolada dalku waxaanu yidhi. “Kaalinta koobaad waxaa galay Hawd, kaalinta labaad waxaa galay Daadmadheedh, kaalinta saddexaad waxaa galay Saraar, sidaasi ayay ku soconayaan orodadu sidaasi ayay ku soconayaan”

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply