Doorashada Maraykanka: Trump oo sheegay inuu guulaystay

0
437

Madaxweynaha dhamaystay wakhtigiisii koowaad ee Madaxtinimada, haddana kamida murrashaxiinta ku tartamay Doorashada tirinta codadkeedu socdaan Mr. Donald Trump ayaa sheegtay guul aan lagu raacsaneyn, kaadib khudbad uu goor dhow ka jeediyay Aqalka Cad – iyadoo weli ay hadhsan yihiin malaayiin codad ah oo aan la tirin.

Trump, ayaa tan iyo shalay oo doorashada loo dareeray dhowr jeer ka hadlay qalabka warbaahinta iyo baraha bulshada.
Xubno sare oo Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan iyo dadka wax falanqeeya ayaa walaac ka muujiyay hadallada aan la xaqiijin ee Trump guusha ku sheegtay.

Barasaabkii hore ee gobolka New Jersey isla markaana la taliye u ahaan jiray Trump, Chris Christie oo la hadlayay telefishinka ABC ayaa khudbadda madaxweynaha ku tilmaamay mid khaldan, istaraatiiji ahaan iyo madaxweyna ahaanba.

“Waa go`aan istaraatiijiyadeed oo xun,” ayuu yidhi. “Waa go`aan siyaasadeed oo xun.”

Rick Santorum, oo ah sanatar hore oo gobolka Pennsylvania, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadallada Trump. “Adeegsiga erayga ku shubasho… waxaan u maleynayaa waa khalad,” ayuu u sheegay telefishinka CNN.

Ben Shapiro, oo arrimaha Mareykanka falanqeeya isla markaana cambaareeya Trump, ayaa barta Twitter-ka ku soo qoray in hadallada Trump ay yihiin kuwo “mas`uuliyad darro qota dheer ah”ayuu isna yidhi.
Si kastaba ha ahaatee murrashaxiinta ku tartamaya Doorashadan, ayaa mid midka kale doonayaa in uu Kursiga ka riixdo.

Dadka wax saadaaliya iyo ra’yi uruurrino la sameeyey codbixinta ka ha hor ayaa muujinaya in ay labada Murrashax ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiguba guusha madaxtinimada si lama filaan ah ku gaadhi karaan.

Leave a Reply