Maxkamadda Gobolka M.jeex oo xukun ku riday Mulkilaha Astaantv

0
352

Hargeysa(Dawan)-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa shan sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed ku riday Cabdimanaan Yuusuf oo ah Mulkilaha Astaantv, waxaanay sidoo kale Maxkamaddu xayirtay Warbaahintiisa oo lagu eeddeeyey in ay sifo sharci darro ah dalka kaga shaqaysanaysay.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu ku xukuntay Cabdimanaan Yusuf Ganaax lacageed oo dhan Laba Milyan oo Shillinka Somaliland ah (2000,000Shls).
Xukunka ayaa lagu dhawaaqay Arbacada Maanta, kaddib muddo bilo ah oo dhegeysiga dacwada loo haystaa socotay.
Dacwad-oogeyaasha Qaranka ayaa ku soo eeddeeyey saddex qodob oo kala ah in uu howlo basaasnimo ah dalka ka waday, in uu Sharci la’aan ku soo galay Waddanka iyo in Warbaahintiisa Astaan sharci darro ku shaqaynaysay.
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac iyo Qareennadii u dooddayey Ninka la xukumay oo warbaahinta la hadlay markii xukunku soo baxay kaddib, ayaa ku doodday in aan xukunka Maxkamaddu cadaalad u dhicin.
Waxa kale oo ay ku andacoodeen inaanu Garsooraha dacwada dhegeysanaysay wax asbaab iyo caddeymo ah ku lifaaqin qaraarka uu soo saaray.
Ganacsade Cabdimanaan ayaa Ciidanka Booliska JSL xabsiga u taxaabeen Bishii Jully ee sanadkan, iyadoo ay dacwadiisu socotay tan iyo xilligaasi.

Leave a Reply