Wasaaradda Ciyaaraha oo Cabasho ka Muujisay Masuuliyiin iyo Sarakiil Ciidan

0
480

Hargeysa(Dawan) Agaasimaha guud ee WasaaradDa Dhalinyarada iyo  Ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdilaahi  Siciid ayaa ku amaanay  Dadweynaha  Caasimada Hargeysa  sida ay usoo  dhaweeyeen  Ciyaartoyga ka yimid Gobalada kale ee ka qayb galay Ciyaaraha Gobalada dalka.

 

 

Maxamed Cabdilaahi  Siciid oo Maanta  u  Waramayay Wargeyska  Dawan   ayaa waxa  uu faahfaahin ka bixiyay  Caqabadaha ay la  kulmeen ka  Wasaarad ahaan    intii ay socdeen  Ciyaaraha Gobalada  Somaliland.

 

Maxamed Cabdilaahi  Siciid oo Arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Dadkan Siyaasiyiinta ee daawanaya Ciyaaraha Goballada Somaliland ayaa waxa ay soo kaxaystaan Taageerayaal badan oo Gobalada ay ka soo  jeedaan u sacabo  tumaya,ku waas oo sababa qaylo  faro  badan oo ay Faraha ka baxdo  Xakamayntooda   caqabadaa waanu dareemaynaa waanu kala hadalnay,waxa kale oo Caqabad  nagu ah  oo   dareenaa  Ciidamada Qaranka ee saraakiisha u badan oo amaanka meeshana  nagala qayb  qaadan oo Wakhti faro  badan ku qaadanaya fadhiga    Garoonka Qof sarkaala oo Ciidamadii Qaranka ma odhan kartid naga  bax waana waxyaabo yaryar oo  fudud,”.

 

 

Sidoo kale Agaasimaha guud ayaa waxa uu ku ammaanay   Dadweynaha   Caasimada Hargeysa sida ay usoo dhaweeyeen Ciyaartoyga Goballada kale ka yimid.waxaana  uu yidhi “Dadka Caasimada si Wanaagsan ayay usoo dhaweeyeen  oo  ay  u Taageerayaan  Ciyaartoyga Goballada kale yimid,waxaana  ugu taageero  badan goballda aan u dhawayn Hargeysa sida Xaysimon Badhan iyo Salal dadkii  oo dhammi Ciyaaraha ayay ku soo jeesteen  oo laga Sheekaynayaa anagana ka Wasaarad  ahaan   ahmiyad wayn ayaa noo leeyihiin

Leave a Reply