Dawlada Armenia Oo Sheegtay Inay Heshiis La Gashay Azerbaijan

0
451

Hargeysa (Dawan)- Armenia, Azerbaijan iyo Russia ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo iska hor imaadkii millateri ee ka dhashay dhulkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh.

Raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa heshiiska ku tilmaamay mid xanuun badan waxaanu yidhi “heshiisku waa mid aad ugu xanuun badan aniga iyo dadkeenaba”.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib lix todobaad oo dagaal uu u dhaxeeyay Azerbaijan iyo qowmiyado Armeniyaan ah.

Gobolkan waxaa caalami ahaan looga aqoonsan yahay Azerbaijani, laakiin waxaa maamulayay qowmiyadaha Armenia ilaa 1994.

Sannadkaas, dagaalka ayaa joogsamay laakiin heshiis nabadeed lama saxiixin.

Tiro heshiisyo xabad joojin ah ayaa la dhexdhexaadiyay tan iyo markii uu dagaalku dib u qarxay bishii Sebtember, laakiin dhammaantood way fashilmeen.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply