Donald Trump Oo Bartiisa Twitter.ka Ku Shaaciyey Inuu Xilka Ka Caydhiyey Xoghayihii Gaashaandhiga Mark Esper.

0
488

Hargeysa (Dawan- Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitter ku shaaciyey inuu xilka ka caydhiyey Xoghayihii Gaashaandhiga Mark Esper.

Trump oo weli ka cadhaysan guuldaradii Doorashada ka soo gaadhay ayaa la sheegay inuu talaabadan u qaaday si uu u muujiyo inuu wali yahay madaxweynaha wali talinaaya.

Mark Esper ayaa indhawaale la hadal hayey inuu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Trump, kadib markii Wasiirka Gaashaandhiga uu bishii May diiday in ciidamada Militariga uu Trump u adeegsado cabudhinta shacabka waday banaanbaxyadii ka socday magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Maaha markii ugu horeysay oo uu Trump bartiisa twitter casilaada usii mariyo mas’uuliyiinta uu xilka ka qaado, waxaana la isweydiinayaa cidda ku xigi doonta Wasiirka Gaashaandhiga.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply