Guul Weyn Oo Laga Gaadhay Tijaabada Tallaalka Lagaga Hortagayo Cudurka COVID-19

0
660

Washington-(Dawan)-Shirkadda dawooyinka Pfizer ayaa sheegtay in tallaal lagagu hortagayo cudurka COVID-19 oo ay ka shaqeyneysay uu wax ku ool yahay 90%, sida lagu ogaaday natiijada tijaabo hordhac ah.

Khubarrada caafimaadka ayaa soo dhoweeyey guusha tallaalkan ee laga ogaaday kumanaan qof oo lagu tijaabiyey, waxayna ku macneeyeen mid hakin karta faafitaanka cudurkan. Si kastaba tallaalka ayaa u baahan inay mas’uuliyiinta ansixiyaan.

Pfizer iyo shirkadda ay wadaagga yihiin ee Jarmalka ee BioNTech ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan heli wax wallaacyo amni ah oo la xidhiidha tallaalkan, waxaana la filayaa inay ansixin ka raadiyaan dowladda Mareykanka.

Haddii loo ogolaado, labadan shirkadood ayaa qiyaasiya inay sannadkan diyaarin karaan 50 milyan oo dhibcood oo tallaaka ah, oo la siin karo 25 milyan oo qof, kadibna ay sannadkan 2021 soo saaraan 1.3 bilyan oo dhibcood.

“Maanta waa maalin u weyn sayniska iyo bani’aadannimada,” waxaa sidaas yidhi Albert Bourla oo ah guddoomiyaha iyo madaxa fulinta shirkadda Pfizer.

Madaxa fulinta shirkadda BioNTech Ugur Sahin ayaa isna Reuters u sheegay in tallaaka marka qofka la siiyo uu shaqeyn karo illaa hal sano, inkasta oo aan taas la hubin.

REUTERS

Leave a Reply