Hargeysa oo lagu Qabtay Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dawladnimada.

0
1179

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda wasaaradda xidhiidhkla goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka daahfurtay dood cilmiyeed ku saabsan Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda.

Kulankaas waxa ka qayb galay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha, arrimaha arrimaha gudaha, iyo guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Ugu horeyntii waxa madashaas ka hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha Jamaal Cabdi Xasan iyo arrimaha gudaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) oo faahfaahin ka bixiyey u jeedada tababarkaas oo ay sheegeen in ay tahay sidii loo fahmi lahaa nidamka wanaagsan ee dowladnimada iyo dimuquraadiyada.

Waxa kale, oo halkaas ka hadlay Dr. Jaamac Muuse Jaamac iyo guddoomiyaha komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Dayib Xaaji Aadan oo soo dhaweeyey dood cilmiyeedkaas tilmaamayna muhiimada ay leedahay.

Gebogebadii wasaaradda wasaaradda xidhiidhkla goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo kulankaasi ka ayaa
sheegay in ka wasaarad ahaan ay awooda sarayaan sidii ay dadku u fahmi lahaayeen qiimaha barashada dawladnimada iyo dimuqardiyada

Leave a Reply