Xoolo loo Qaybiyey Dadka ku Dhaqan Deegaanka Labi-guun

0
523

Hargeysa (Dawan)-Wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa deeq xoolo ah u qaybisay boqol qoys oo ku dhaqan deegaanka Labi-guun oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Isuduwaha wasaaradda xannaanada xoolaha gobolka Togdheer Cabdi Muuse Jaamac (Cabdi Hindi) ayaa faahfaahin ka bixiyey deeqdaas xoolaha ah ee ay u qaybiyeen boqolka qoys kuwaas oo ay saameysay abaartii dalka ka dhacday, wuxuuna sheegay in xoolahaas tiradoodu tahay kun neef oo Adhi ah.

Agaasimahaeyaasha waaxyaha wax soo saarka Mukhtaar Cabdi Cilmi iyo qorsheynat ee wasaaraddaasi xannaanada xoolaha Farxaan Axmed Yuusuf, oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqda xoolaha ah ee ay u qaybiyeen dadka deegaanka Labi-guun, oo ahaa dad xoolo dhaqato ah, balse ay xoolohoodii ka saartay abaartii dalka ku dhufatay.

Guddoomiyaha deegaanka Labi-guun Axmed Xaaji Xasan Buraale, oo halkaas ka hadlay ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda xannaanada xoolaha iyo guud ahaan xukuumadda Somaliland uga mahad-celiyey deeqdaas xoolaha ah ee lagu wareejiyey dadka deegaanka Labi-guun ee gobolka Togdheer.

Geesta kale, guddoomiyaha shirkaddii qaadatay qandaraaska xoolaha Maxamuud Abokor Maxamed, oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in nay keeneen xoolo aad u wanaagsan oo ay soo dhaweeyeen dadka loo qaybinayey, isaga oo intaas ku daray inay xukuumada uga mahadnaqayaan xooleynta dadka u baahan in la taageero lana xooleeyo.

Leave a Reply