Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Ardayda Baahiyaha Gaarka Ah Qabta Ku Wareejisay Dugsi Ay Wax Ku Bartaan.

0
882

Hargeysa (Dawan)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa ku wareejisay ardayda baahiyaha gaarka ah qabta dugsi ay wax-ku-bartaan, ka dib markii ay codsadeen dugsi ay gaar u yeeshaan.

Ardayda baahiyaha gaarka ah qabta oo wasaaradda ka codsaday dugsi ay gaar wax ugu barataan  ayay wasaaraddu ku wareejisay dugsigii sare ee hore loo odhan jiray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo imika wixii ka dambeeya wasaaradda waxbarashadu u aqoonsatay dugsiga ardayda baahiyaha gaarka ah leh ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Munaasabad kooban oo loo sameeyay dugsigaasi waxa ugu horeyn ka hadlay agaasime waaxeedyada iyo guddoomiyayaasha wasaaradda waxbarashada Somaliland oo dhammaantood ka warramay ahmiyadda uu dugsigaasi ka qaadan doono waxbarashada ardayda baahiyaha gaarka ah qabta oo iyagu baahi weyn u qabay dugsi ay wax ku bartaan oo u gaar ah.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa oo ka jawaabaya codsigaasi ardayda baahiyaha gaarka ah qabta wuxuu tilmaamay in dugsigii sare ee hore loo odhan jiray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax uu hadda ka dib noqon doono dugsiga baahiyaha gaarka ah, waxaanu sheegay inay ku hamiyayaan sidii ay u dhisi lahaayeen qaybaha kale ee dugsiga.

Dhinaca kale, wasiirka waxbarashadu waxa uu ugu baaqay dawladda hoose ee Hargeysa inay mudnaanta siiyaan ardayda baahiyaha gaarka ah qabta sida ay dawladda dhexeba ay caafimaadkooda iyo waxbarashadoodaba lacag la’aanta uga dhigtay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply