Xikmadaha Maanta

0
677
  • Mar kasta khasab maaha inaad guulaysato laakiin waxa khasab ah inaad mar kasta ku fikirto sidii aad u guulaysan lahayd.
  • Guuldaradu maaha inaad meel sare ka soo dhacdo, laakiin waa inaad awoodi weydo korideeda.
  • Dadku ma ilaabaan hawsha wanaagsan ee aad qabatay, laakiin ma xusuustaan wakhtiga aad ku qabatay sidaa awgeed iska dhaaf degdega oo hawl kasta oo aad qabato wanaaji.
  • Nacasnimadu waa inaad weli hayso wadadii guuladarada, fikir, ka dibna raac jihada
  • Haddii qofku aanu lahayn mabda’ uu naftiisa u huri karo, ma laha mid uu ku noolaadana.
  • Qofka dakhligiisu badan yahay kama shaqo badana, kan dakhliga yar laakiin waxay isku dhaafeen siday uga kala faa’iidaysteen maskaxdooda.
  • Saaxiibka wanaagsani waa kan ku sheegaa khaladka aad gasho, kuna saxa.
  • Masiibooyinka u sabir maxaa yeelay marba marka ka danbaysa way sii yaraataa.

Leave a Reply