“Gurmadkii Reerka ayaa ii yimid anigoo u dhiman gaadhay Dhiig-bax” Maxamed

0
689

Hargeysa (Dawan) – Mid ka mid ah ah Rag uu duleedka Magaalada Hargeysa ku dhaawacay Xayawaan loo malaynayo inuu yahay Shabeel ayaa ka warramay sidii dhibaatadu u soo gaadhay iyo Xaaladdiisa Caafimaad ee xilligan.

Maxamed oo ka mid Dadka ku nool deegaanka Geed-deeble ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Hargeysa ayaa Telefiishanka SAAB u sheegay in xilli duhur ah uu soo weerarray dugaag uu u malaynayo Shabeel, ka dibna uu dhaawacyo soo gaadhsiiyey.

Maxamed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Goor duhur ah bay ahayd, xoolo ayaan la joogay, Xoolihii oo kala diday ayaan arkay, markii aan eegayna Bahal baa igu soo booday, waan u banneeyay, haddana xagga dambe ayuu igaga soo booday, halkaa Suun-qabadka ayuu igaga qabtay labadiisa lugood ee dambe, labadiisa luguud ee horena wuu igu xuurteeyay, halkaa dhegta ka dambaysana wuu iga buuxsaday, dhulkuu i dhigay oo wuxuu dhulka iigu dhuftay Wejiga iyo labada Gacmood, dabadeedna waan la kacay, labada Gacmood baa dibedda ii yaallay, waxaan qabtay halkaa Gol-jilicda, waanan rogay sida marka Raggu iska saarayaan Shaadhka oo badhatamadu xidhan yihiin, markaan rogay ayuu Ilaahay iga gooyey oo wuu iga cararray.”

Maxamed wuxuu sheegay in Dugaaggu ku dhaawacay Geed-deeble “Aniga wuxuu igu cunay Geed-deeble, Waddanka aanu joogno hore looguma arag (Shabeelka), markaa wax cusub oo duufaan ah oo imika yimid ayuu ahaa, aniga dabaday wuxuu cunay laba Nin.” Ayuu yidhi, waxaanu itaa sii raaciyey in markii uu Shabeelku dhaawacay uu Dhiig-bax u dhiman gaadhay “Gurmadkii Reerka ayaa ii yimid anigoo u dhiman gaadhay Dhiig-bax, Hargeysa ayaa la i keenay oo Dhakhtarkaa la igu dhayaa..”

 

Leave a Reply