Ciyaar-dhaqameeda Waallada iyo Deegaamada Soomaalida

0
685

Todobaadle ka faallooda arrimaha Dhaqanka iyo Suugaanta… Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Wariye Telefishan ayaa soo wariyey tartan adag oo ciyaarta Waallada loo yaqaano ah oo ku dhex maraysa Kooxo dhalinyaro ah, deegaan ku yaalla Soomaaliya, gaar ahaan duleedka magaalada Muqdisho. Dad badan ayaa u soo daawasho tagga ciyaartan, waxaana wada ciyaaraya Kooxo rag ah, hase yeeshee Dumar Dhalinyaro ah ayaa iyaguna ka qayb-qaadanaya oo marba kooxda laga badiyo u dabaal-degaya.
Ciyaarta Waallada oo ay dadka qaarna u yaqaanaan Jaawo waa mid kamida Ciyaar-dhaqameedyada dhulka Soomaalida laga ciyaaro, siiba dhulka Baadiyaha, laakiinse tan wariyuhu soo tebiyey waxa dheellaya Dhalinyaro reer Magaal ah.
Meelaha qaar, siiba gobollada Soomaaliya Ciyaartan waxa looga yaqaanaa Walasaqo, balse Somaliland waxa looga aqoon badan yahay Waallo.
Deegaamada ugu badan ee laga ciyaaraa waxa lagu tilmaamaa Gobolada Sool, Togdheer iyo Buuhoodle, waxaanay jiidaasi wadaagaan Bulshada Gobolka Soomaalida Itoobiya, inkasta oo aanay u badnayn Dadka magaallooyinka ee ay reer Baadiyuhu ku mada-daashaan xilliyada Habeen.
Ragga Geel-jira ah, ayaa inta badan Ciyaara Waallada, waxaanay leedahay Goleyaal iyo goor-xilliyeedyo ay caan ku tahay dheelisteedu, waana wakhtiyada madadaalashada iyo galad-ku-noolaanshiyaha, iyadoo ay mararka qaar loogu nasto gole-ciyaareedyada kale ee laysugu yimaado.
Millayga barwaaqada ee uu Maalku dhalo iyo xaallada isu soo guurka Bulshada ee meel la isugu yimaado kaliilaha hoglaha roobka lagu soo guurro, waxa caado in dhalinyarada beelaha daaq isugu yimi, si ay isu bartaan isugu yimaadaan golle-ciyaareedyo xiiso iyo xamaasad badan oo laysugu babac dhigo baddo, baarcadde iyo heeso halqabsi laysugu baanno.
Madallahan Ciyaareed, waxa isku-waajaha oo ciyaartooyo la hollin waayey xagga Booddada Ciyaarta iyo heesaa hal-abuurnimo alle hibo u siiyey,waxaana ka unkama silsilad heeseedyo sannado badan socda oo ay marka reerruhu gobol dambe isugu yimaadaan meerto cusub ku bilaabma. Ciyaaraha noocan ah oo ay kamid tahay Ciyaarta Jaan-dheerta, Jaflada iyo Barriyo, waa kuwa marka Jiibta iyo Jaanta laysla helo jabaqda kale joogsato.
Haddaba Waallada oo sidaan sheegnay wakhtiyada qaar ku lamaannaata Ciyaarta golle-ka-boodka, waxa markaasi ku madadaasha Ragga Dhalinyarada ah ee uu Baarcadduhu ka saaro golaha si aanay Jaan-weynta uga dhabqin amma uga dhinac boodin, taasoo ah nidaam lagu ilaaliyo habsamida Ciyaartaas.
Wakhtiyada la Ciyaarro
Marka ay Doobka iyo daangasleyaashu qabsadaan heelka Ciyaarta, isla markaana garab-weynta iyo gashaantimaha luuqda tolmoon ee Jiibta heesta iyo Jaan-ragga ciyaarta ku baas ay isu maraan, ayey Kurrayduna meel aan ka fogayn Golaha isula baxaan oo ay ku ciyaaraan Waalladda.
Waxa kale oo ciyaarta Waallada Raggu dheellaan Habeenkii marka geella la soo xereeyo ee la maallo, ayey dheregta iyo nasashada Ardaaga ku Ciyaaraan, iyadoo sida dhacda geel-jirraha fadhiyadoodu isu dhow yihiin inta ay hal ardaa isugu yimaadaan halkaa wada dheellaan, layskuna foorjeeyo oo kooxo loo qabsamo, kaddibna habeenba qollada laga badiyaa, kulanka dambe ku soo talo-gasho badin iyo in ay iska bogto guul-darrada.
Waxa kale oo Ciyaartan dhalinyaradu ku caweysaa xilli kasta oo ay fursad u helaan, marka arroosyada laysugu yimaado iyo xataa maalintii oo aan badan ahayn, laakiinse marmar dhacda.
Qaar kamida deegaamada Soomaaliya, waxa ciyaara Odayaal waaweyn iyo Rag xul ah, waxaana loogu tartamaa deegaamo iyo gobollo, iyadoo lagu qabto fagaareyaal ay badan badani ka soo qaybgalaan,waana bandhigyo caado ah.
Kooxda laga badiyo, waxbaa lagu xujeeyaa amma sumad ayaa lagu dhigaa ilaa ay iska soo boggayaan, haddii mar kale laga badiyana waxa ku sii kordha foorjarada iyo falaadhaha lagu xardhayo dhabankooda, oo mar Boodh lagu sunto marna Dambas cad lagu calaamadiyo.
Qaabka loo Ciyaaro
Qaabka loo ciyaaro, waa lagu kala duwan yahay deegaamada Soomaalida. Somaliland iyo deegaamada deriska ay yihiin waxa lagu ciyaaraa Fadhiga, waxaana labada kooxood isku soo horfadhiistaan tiro is-leeg, halka dhanka Soomaaliya meelaha qaar lagu dheello sara-joogga, iyadoo sida dhacda laba laba loo ciyaaro.
Ciyaarta Waallada lama booddo, lamana yaaco ee waa Ciyaar degen oo gacmaha laga ciyaaro, waxaana dhibcaha lagu kala hellaa hab gudub iyo toos ah oo ay labada dhinac kala qaadashadooda u qori-tuurtaan inta aan la bilaabin.
Gudubku waa labada gacmood ee midigta oo marka layska soo horjeedo sameeya is-dhaaf. Tooskuna waa isku-aadka Bidixda iyo Midka labada qof ee iska soo horjeeda. sidoo kale Ragga Waallada Ciyaaraa Jilbaha ayey dhulka dhigaan, gacmahana waxa ay ku garaacaan laabta iyo Dhulka.
Ugu dambeyn Ciyaarta Waalladu waa mid kamida Ciyaaraha fudud ee Dhulka Soomaalida laga yaqaano, waana mid aad u xiiso badan oo micno badan u samaysa dadka aqoonta u leh.

Leave a Reply