Wasaaradda Ciyaaraha oo go’aamo kasoo Saartay Ciyaartii Hawd iyo Daadmadheedh

0
535

Hargeysa-(Dawan)- Wasaaradda dhallinayada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa xulka gobolka Hawd ku ganaaxday in tartanka Ciyaaraha gobollada Somaliland ay ka maqnaadan muddo shan Sanno ah.

Sidoo kale waxa ay ganaax ku riday Ciyaartoyda iyo tobabarayaasha oo lagu eedeyey inay carqaladeeyeen habsami u socodka Ciyaarta islamarkaana ay gacan u qaadeen garsoorihii iyaga oo dil ugu hanjabay masuuliyiin ka tirsan Waaaaradda ciyaaraha.

Guddida anshaxa ayaa sida oo kale goolhayaha gobolka Daadmadheedh ku ganaaxay inuu tartanka gobollada Somaliland ka maqnaado muddo laba Sanno iyo saddex bilood ah.

 

 

 

Leave a Reply