Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya oo iska Kaashanaya Dagaalka Ayaxa

0
428

Hargeysa (Dawan) Dawladdaha Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa wada jir iskaga kaashanaya la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato badan u geystay beelayda dalalkan, dalagyo badana baabi’iyay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, mudane Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay la dagaalanka Ayaxa in ay iska kaashanayaan, dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Itoobitya.

Wasiirku waxaa uu sidan ka sheegay kormeer ay ku tageen banka Wajaale isaga iyo wasiirka biyaha, beeraha, xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga waddanka Jabuubti mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali), wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, guddoomiyaha degmadda Tog wajaale iyo masuuliyiin kale.

“”Safarkayagani waxasa uu ahaa indha indhayn la xidhiidha Ayaxa oo dhibaatooyin  badan innaguu haya, oo aanui ka wada hadalnay, dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, islamarkaana ka wada hadalnay wasiirka deegaanka iyo beeraha ee DDSI, in  wax ka qabashada Ayaxa oo fara ba’an ku haya beeralayda dalka Somaliland iyo dhinaca Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo biyaha ee waddanka Jabuuti oo isna booqasho noogu yimi, waxaa aanu go’aansanay in uu nala soo arko dhibaatooyinka uu Ayaxu naggu hayo, si iyaguna wixii awoodooda ah nooga caawiyaan.

Sarac wanaagsan ayaanu ka beernay sannadkan Banka Wajaale, in kasta oo roob yaraani ay jirtay, sidii aanu u doonaynay sannadkan wax-soo-saarka dhinacas Qamadigu muu noqon, haddana dedaakeedii waanu wadnaa”

Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya oo iska Kaashanaya Dagaalka Ayaxa

Leave a Reply