Iftiinka Maskaxda Dhibaateeya

0
387

Wargeyska Current  Biology  ayaa soo bandhigay daraasad ay sameeyeen aqoonyahano Holand u dhashay kuwaasi oo cadeeyey  in laydhka oo habeenkii isagoo shidan aad ku seexataa uu ku  keenayo dhibaatooyin caafimaad.

Waxaana ay  daraasaddu soo bandhigtay  xidhiidhka ka dhexeeya laydhka shidan ee lagu seexdo iyo cuduro badan oo kala duwan. Waxa kale oo ay cilmi baadhayaashu sheegeen in xataa maalintiina ay la mid tahay haddii aad seexanayso.

Warbixinta ayaa cadaysay in bakhtiinta laydhka  ay tahay arin lagma maarmaan ah oo xidhiidh la leh caafimaadka qofka.

Xaqiiqdan cilmiga ah ayaa dhowaan la ogaaday taasi oo muujisay in marka qofku hurdo iftiinka laydhka shidani waxyeelo u geysanayo maskaxda qofka.  Islaamku hore ayuu uga digay ku seexashada Dabka. Xadiis Rasuulka Allah (scw) laga weriyay ayaa uu ku yidhi “ Hakag tegin guriyhiina dabka markaad seexanysaan” Xadiis la isku waafaqay sexeexniamdiis. (Mutafiq)

Leave a Reply