Wafti ka Socda Dalka Itoobiya  oo Gaadhay Magaalada Burco

0
400

Burco (Dawan) Wefti ka socda dalka Itoobiya ayaa gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Weftigan ayaa kulan la qaatay maamulka iyo masuuliyiinta gobolka Togdheer, waxaanay labada dhan ka wada hadleen arrimo la xidhiidha nabadgeliyada,  beeraha, iyo ganacsiga.

“Waanu soo dhaweynaynaa weftiga ka socda DDSI, ama gobolka Jararba, waxaa aanu ka wada hadalay oo kulankayagan ujeedadiisu aheyd sidii aanu isaga kaashan lahayn wixii nabadgeliyada wax u dhimaya oo qof danbiile ah, oo DDSI, danbi ka soo galay, oo wax ku soo dilay, oo wax ku soo dhacay, in aanu ku noolaanin gobolka Togdheer.

Sidoo kale in aynu si wada jira wax uga qabano ciddkasta oo nabadgeliyada labada waddan waxyeelaysa”Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Togdheer mudane Maxamed Diiriye Xayd.

Leave a Reply