Somaliland Dadka xannuunka Macaanka la Nool oo Tiradoodu Gaadhay 19% Iyo Sababta

0
398

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday tiradda rasmiga ah ee la nool xannuunka Macaanka.

Agaasimaha waaxda xannuunada aan la faafin ee wasaaradda caafimaadka Somaliland, Dr. Shukri Axmed Sandoon ayaa sheegtay in baadhistii ugu danbaysan ee wasaaraddu sameyso lagu ogaaday in boqolkiiba sagaal iyo tobban ay qabaan xannuunka Macaanka.

Agaasimaha waaxda xannuunada aan la faafin ee wasaaradda caafimaadka Somaliland, Dr. Shukri Axmed iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxaa ay tidhi. “Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxaa ay soo saartay baadhitaankii ugu danbeeyay ee xannuunka macaanka ama sonkorowga, in uu yahay boqolkiiba sagaal iyo tobban.

Waxyaabaha sababta u ah in xannuunkani uu dalka ku soo bato waxaa ka mida in hab nololeedkii bulsho ee waagii hore uu is baddelay, islamarkaana uu yaraaday socdaalkii badnaa ay ay bulshadu geli jirtay iyo in meel uun la fadhiyo, in cuntadii dheeliga tirnayd ay yaraato, cunnooyinkii waddaniga ahaana aanay bulshadeenii isticmaalin oo aanay cunin, iyo khudaartii oo aan la badsan, waana xannuun inta badan ay bulshadu la nooshahay”

 

Agaasimaha waaxda xannuunada aan la faafin ee wasaaradda caafimaadka Somaliland, Dr. Shukri Axmed

Leave a Reply