Booliska Saldhiga Maxamed Mooge oo loo Furay Tababar la Xidhiidha Xalinta Khilaafka

0
598

Hargeysa (Dawan) Hoggaanka ciidanka booliska Somaliland jeneral Ibraahim Cabdi Xaaji, ayaa tababar u furay qaar ka mida booliska ee saldhiga Maxamed Mooge, iyo guddida nabadgelyada ee degmada Maxamed Mooge.

Tababarkani ayaa salka ku hayay xalinta khilaafaadka, iyo wada shaqeynta ciidanka iyo bulshada.

Hoggaanka tababarka ciidanka Booliska ayaa sheegay in boolisku ka shaqeeyo ka hortaga iyo la dagaalka iyo khilaafaadka soo kala dhex gala bulshada qaybaheeda kala duwan, islamarkaana loo baahan yahay in shacabku la shaqeeyo ciidamada nabadgelyada, ciidankankuna u taagan yahay danahooda iyo ilaalinta nabadgelyada.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in ciidanka saldhiga degmada Maxamed Mooge, looga dhex sameyn doono qol gaara oo qalabaysan islamarkaana ay taliska booliska iyo hay’adda UNDP, ay iska kaashan doonaan qalabeynta xafiiskaasi, islamarkaana uu xafiiskaasi noqon doono  goob ay ku  qaadan doonaan shanta bilood ee soo socda tababarka, si xog ku filan ay uga helaan xalinta khilaafaadka iyo adkeynta nabadgeliyada.

Hoggaanka ciidanka booliska Somaliland jeneral Ibraahim Cabdi Xaaji,  isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi. “Boolisku waxaa uu sameeya ka hortag iyo la dagaalan marka uu gacan ka helayo dadweynbihiisa taasi way fududaaneysa, sababto ah meel walba nin boolis ahi ma taagne dadweynihiiba meel walba taagaan, dadweynuhu haday u arkaan dantooda in booliskani u joogo oo uu ka shaqeynayo, danbi walbana u soo sheegaan iyaga dhexdooduna iska wacyigeliyaan danbiyada, halka waxaa imanaya ka hortag danbi ama la dagaalan haddii danbigii dhaco, dhaqankii dadkuna waa uu haggaagsanayaa, ujeedada ugu weyn ee tababarkani la idiinku furayna waa kaas”

Ciidanka Booliska Saldhiga Maxamed Mooge oo loo Furay Tababar la Xidhiidha Xalinta Khilaafka iyo Adkeynta Nabadgelyada

 

Leave a Reply