Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Somaliland oo Tacsi u Diray…

0
723

Hargeysa (Dawan) INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka hay’adda garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabadda iyo ehellada uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum garsoore Cabdilaahi Salaad Abokor, oo ka tirsanaa garsoorayaasha maxkamadda gobolka Sool, oo xalay oo ay taariikhdu ahayd 17/11/2020, gacan ka xaq-darani ku dishay magaalada Laascaanood.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, ehelladii iyo dhammaan hay’adda garsoorka JSL-na samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Leave a Reply