Maamulka Puntland oo ku soo wareejiyey Dawladda Nin ku eeddeysan dil

0
346

Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo Milateriga Dawladda JSL, ayaa kala wareegay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamul-goboleedka Puntland Nin gacan ku dhiigle ah oo hore dil uga geystay Magaalada Hargeysa.

Taliyeyaasha Qaybta Booliska iyo Milateriga gobolka Sool, ayaa loo soo gacan geliyey Maxbuuskan oo laga soo qabtay gudaha Puntland.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sool Maxame Saleeban Gooni ayaa uga mahad celiyey Maamulka Puntland soo qabashada iyo soo wareejinta maxbuuskan.

Sarkaal u hadlay dhinaca Puntland, ayaa sheegay in ay Dawladda Somaliland ka wada shaqeeyaan arrimaha xagga nabad-gelyada iyo la-daagalanka dadk shide-wadeyaasha ah.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply