Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Somaliland Oo Fariin U Diray Bulshada Somaliland.

0
415

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha guddida wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, ayaa fariimo wacy’gelineed, u diray guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaana waalidiinta.

Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, guddoomiyaha guddida wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa waalidiinta ku amaanay sida ay ubadkooda uga warhayaan xaaladahooda waxbarasho, waxaanu u soo jeedinay inay sii xoojiyaan ka warhaynta ubadkooda, gaar ahaana hooyooyinka maadaama hooyadu tahay halka ugu horaysa ee ubadku ku soo bar-baaraan.

Ugu dambayn gugdoomiyaha guddida wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, wuxuu guud ahaan dhallinyarada u soo jeediyay inay ka feejignaadaan balwadaha iyo waxkasta oo xumayn kara mustaqbalkooda, waxaanu ku dhiirigaliyay inay ku dedaalaan waxbarashada, cibaadada iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee islaamka.

Leave a Reply