Madaxweynaha oo ka Hadlay Geerida ku timi Dr. Aadan iyo Siyaasi Cumar Carte

0
425

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Shakhsiyada Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ku geeriyooday shalay dalka Turkiga.

 

Madaxweynaha ayaa marxuumka ku sifeeyey tiir muhiima oo ka baxay qaranka Somaliland, isagoo kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa aas-aasayaashii seeska u dhigay ururada bulshada Somaliland, waxa kale oo uu Sannadihii u danbeeyey ahaa wakiilka machadka Rift Valley ee Somaliland iyo wakiilka hay’adii Progressio. Halka uu sannadihii 1981kii ilaa 1989, ka mid ahaa dhalinyaradii Uffo loo xidh-xidhay, waxaanu ka mid ahaa marxuumku aqoonyahanada dalka dibediisa wax ku soo bartay gaar ahaan jaamacada Warsaw ee dalka Poland oo uu dhakhtarnimo ka soo bartay ugana faa’iideeyey 1976kii Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo uu Agaasime ka noqday wakhtigaasi.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Shakhsiyada Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib waxanu ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo taariikh ku leh bulshada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan mandaqada geeska Afrika, xilal kala duwana oo uu ugu sareeyey ra’iisal wasaare ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa aqoonyahanadii 1950 meeyadii dalka dibediisa wax ku soo bartay, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb-qaatay shirkii beelaha Somaliland isugu yimaadeen magaalada Boorama ee dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, markii danbena waxa uu ka mid noqday siyaasiyiintii hirgeliyey hannaanka dimu-quraadiyada Xisbiyada badan ee Somaliland ka jira, ilaa maantana waxa uu ku sugnaa dalkiisa hooyo.

madaxweynuhu ayaa marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Leave a Reply