Wasaaradda horumarinta Biyaha oo gaadiid ku wareejisay laba Gobol

0
333

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Khayraadka biyaha JSL Maxamed Xasan Dirir ayaa Arbacada maanta laba gaadhi oo cusub ku wareejiyey Isuduweyaasha Wasaaraddaasi ee gobollada Togdheer iyo Sannaag, Baabuurtaasoo loogu talo galay inay ka shaqeeyaan xafiisyada Wasaaradda ee gobolladaasi.

Munaasibada wareejinta gaadiidkaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ee magaalda Hargeysa, ayaa waxa hadallo ka jeediyay Maxamed Xasan Dirir agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, oo sheegay in markii ay qiimeeyeen baahida shaqo ee taala gobollada Togdheer iyo Sanaag ay go’aan sadeen in gaadiidkaas lagu wareejiyo masuuliyiinta wasaaraddaas u jooga gobolladaasi, waxaanu isuduweyaasha kula dardaarmayin ay gaadiidkaas u adeegsadaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen shaqada wasaaraddaas ee gobollada ay wakiilka uga yihiin.
“Gaadiidkan waxaanu ugu talogalnay in lagu dardar geliyo adeegga ay Wasaaraddani bulshada u hayso oo aanu doonayno in loo gaadhsiiyo sidii loogu talogalay, waxaanu doonaynaa in aanu maamulka Daadejino, waxaanu doonaynaa in xafiisyada gobolada aanu adeegyadooda kobcino”ayuu yidhi Agaasime Dirir oo intaasi ku daray inay cusub yihiin labada gaadhi ee uu ku wareejiyey isuduweyaasha, qorshaha Wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyuhuna tahay sidii gobolladan looga dabooli lahaa baahiyaha dhinaca gaadiidka.

Rashiid Faarax Cabdi isu-duwaha wasaaradda horumarinta biyaha ee gobolka Togdheer iyo dhiigiisa gobolka Sanaag ee wasaaraddaasi Muxyadiin Cabdilaahi ayaa agaasimaha guud uga mahad-celiyay gaadiidkaas uu ku wareejiyay, waxaanay sheegeenn in ay baahi weyn u qabeen xafiisyadoodu gaadiidkan, maadaama ay hayaan hawl baaxad leh oo aanay uga maarmayn gaadiid ay ku fuliyaan adeega ay wasaaradda biyuhu u qabato bulshada ku nool labadaas gobol.
Isuduwaha Gobolka Sanaag ee Wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha, ayaa tilmaamay “waa gaadhigii ugu horeeyey ee la siiyo xafiiska Wasaaradda ee Gobolka, waxaan balanqaadayaa in aanu ku fulin doono shaqada loogu talo-galay oo aanu ilaalin doono, dayactirkiisa iyo daryeelkiisa”ayuu yidhi Muxyadiin Cabdilaahi.
Isuduwaha Wasaaradda ee gobolka Togdheer, ayaa isaguna balanqaaday in Baabuurka lagu wareejiyey ilaalin doono, kuna fulin doono baahida loogu talogalay.

Leave a Reply