Duqa caasimada Hargaysa oo Bulshada ugu Bushaareeyay adeeg cusub oo Muhiim ah

0
474

Hargaysa (Dawan) Duqa caasimada Hargaysa ahna guddoomiyaha golaha deegaanka mudane Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shacabka ugu bushaareeyay inay dawladda hoose bilawday nidaamka Boosaha ee tix-raaca hantida iyo dadka.

Duqa ayaa sheegay in addeegani muhiimad weyn u leeyahay horumarka magaalada iyo fududaynta adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco) waxa uu tilmaamay in hirgalinta sumada tix-raaca hantida iyo qofka la Diiwaan-galiyay ilaa 7-kun oo dhisme iyo xarumo ganacsi, bilaha soo socdana la balaadhin doono.

Waxa uu bulshada ku dhaqan Caasimada ku booriyay in hawl-wadeenadda adeegan ku fooggan u fududeeyaan hawlaha Qaran ee ay hayaan.

Golaha deegaanka ee Hargaysa ayaa baryahan ugu danbeeyay kordhiyay dedaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda, gaar ahaan nadaafadda oo la sameeyay nidaam lagu kala saarayo xashiishka iyo sidoo kale dhismaha jidadka Caasimadda oo dardar xoogan la galiyay.

Leave a Reply