Magaalo Dadku Dhulka Iyo Hantida Wada Leeyahay!

0
627

Magaalada  Huaxi oo ku taalla Gobolka Jiangyin ee dalka Shiinaha waa magaalada ugu qanisan uguna taajirsan dalkaasi. Waxa ay caan ku tahay wadooyinka dhaadheer ee geedaha quruxda badani dhinacyada ka baxayaan. Gurayaha fiilooyinka ah ee isku wada dhismaha ah , dhamaantoodna saqafkoodu casaanka wada yahay waa mid magaaladan lagu yaqaan. Guri kastaa waxa uu leeyahay laba geerash oo gaadhiga lagu xereeyo oo isaga u gaar ah.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009, qoys kasta oo degen Huaxi waxa uu lahaa guri iyo ugu yaraan hal gaadhi, waxaana bixiya bulshada magaalada, waxa kale oo leeyahay hanti dhan $ 150,000.

Magaalada Huaxi waxa ay hoy u tahay oo degan 30,000 qof kuwaasi oo asalka ah, waxa ay wada leeyihiin dhulka, waxaana ay  qaybsadaan oo ka dhaxaysa hantida magaalada.  Saacad kasta waxa ka baxaya magaalada sameecado ku dhawaaqaya :” Haddii aad doonayso inaad aragto mucjiso iyo arrin yaab leh , kaalay magaalada “Huaxi”.

Khamaarka iyo daroogadu iyo weliba inaad la hadasho dadka debedda jooga waa ka mamnuuc magaalada.  Kama jiraan magaaladan baararka cawska, kafateeriyada internetka, iyo goobaha lagu soo jeedo habeenkii. Qof kasta oo ku mashquula hawlahaasi mala’awaalka ahna waxa lagala wareegaya hantidiisa.

Bulshada waxaa ay qabtaa shirar badan iyo madadaalo ay bixiyaan kooxda masraxa tuulada. Shaqaalaha magaaladuna waxa helaan mushahar joogto ah iyo gunooyin iyagoo weliba dakhliga guudna badh ku leh. Dadka ka guuraya magaalada  hantidooda waa lagala wareegaa, madaama uu deegaanku leeyahay.

Shirkadaha birta, xadiidka iyo dharka ee magaalada Huaxi waxa ay samaysay  ganacsi ay ka soo xerootay $ 7.3 bilyan doller sanadkii 2008. Shirkadda Huaxi waxa ay ahayd shirkadii ugu horaysay ee lagu qoro suuqa saamiyada Shiinaha.

Leave a Reply