Miisaaniyadaha Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose ee Mashruuca JPLGA oo Markii ugu Horraysay la Mideeyay

0
1044

Hargaysa (Dawan): Waxaa markii u horaysay la mideeyay Miisaaniyadaha mashruuca horumarinta dawladaha hoose ee Somaliland JPLG-ga iyo miisaaniyadda dawladda dhexe ee Somaliland ee sanadkan 2020-ka.

Taasoo ay diyaarinteedda si wada jira isaga kaashadeen wasaarradaha Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha ee Somaliland.

Sidaasina waxaa sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Axmed Nuur (cabdi-gurey).

Waxaanu yidhi,”Sanadkan 2020-ka, waxaa markii ugu horaysay la mideeyay, oo la wada diyaariyay Miisaaniyadihii dawladaha hoose iyo dawladda dhexe ee Somaliland, oo ay ka wada hawl galeen wasaarradaha Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda”.

Diyaarinta iyo is-waafajinta Miisaaniyadaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ayuu agaasimuhu ku tilmaamay in ay ahayd hawl adag oo wakhti iyo dedaal badan la geliyay.

Maadaama oo degmooyinka dalka ee uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG-ga ay gobolo kala fog-fog ku kala yaalaan, isla markaana muddo la doonayay in muddo gaaban lagu soo diyaariyo.
“Runtii waxay ahayd hawl adag.

Tababaro badan ayaana la soo qaatay. Laakiin, ficliyan in la hirgeliyo maanta ayay bilaabantay, midayntii Miisaaniyadaha dawladaha hoose iyo dawladda dhexe ee Somaliland.

Arrin hawl yar ma ahayn, in la yidhaahdo dawladaha hoose ha ka soo gaadhsiiyeen mudadda lagu diyaarinayo Miisaaniyadaha.
Dawladaha hoose oo firidhsan, oo mid waliba goonideedda tahay, oo wakhtigu jiitami jiray awal” ayuu yidhi agaasime Cabdi-gurey.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaa laga shaqeeyay, markii la iska wada xil saaray, oo ay si joogto ahna uga wada qayb galeen wasaaradda Maaliyadda iyo wasaaradda Arrimaha gudaha guddi midaysan, oo isla shaqaynayay, oo Miisaaniyadihii ay dawladaha hoose soo diyaariyeen, oo lagu dabaqayo habka casriga ah, ee nidaamka xisaabaadka”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay tababar uu shalay magaaladda Hargaysa ugu soo xidhay xubno ka kala socday degmooyinka dalka ee uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG-ga.

Tababarkaasi oo socday muddo afar maalmood ah waxaa ka qayb qaadanayay 27 xubnood oo ka kala socday magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera, Laascaanood, Gabiley, Caynaba, Boorama, Saylac, Sheekh iyo Oodweyne.

Tababarkaasi ayaa ku saabsanaa sidii loo casriyayn lahaa nidaamka xisaabaadka iyo lacag qabashadda ee mashruuca ay dawladaha hoose ku shaqeeyaan oo la doonayo in loo guurro.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadaha UNHABITAT iyo UNDP iyo xubno ka socday wasaarradaha Maaliyadda iyo arrimaha gudaha ee Somaliland.
Geesta kale, agaasime Cabdi Axmed Nuur (cabdi-gurey), ayaa soo dhaweeyay tababarkan loo qabtay xubnahan ka socday degmooyinka uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG-gu.

Waxaanu yidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta (shalay) halkan ku soo xidho tababarkan ku saabsan maaraynta habka casriga ah ee hantidda dawladaha hoose, oo ah nidaam cusub”.

Leave a Reply