Guddida Joogtada Wakiillada oo la Kulmay Maamulka Gobalka Togdheer

0
405

Burco (Dawan)- Guddida joogtada ah ee golaha Wakiillada oo kormeer shaqo ku joogay maalmihii ugu dambeeyay Gobalka Togdheer ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd iyo Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad
Guddoomiye ku Xigeenka Guddida Joogtada ah ee golaha wakiillada Axmed Ducaale Bulaale, ayaa waxa uu sheegay in socdaalkoodu la xdhiidho u kuur-galida xaaladda guud ee nabad-galyo ee Gobalka Togdheer iyo u diyaargarawga diwaangalinta codbixiyayaasha.

Guddoomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd iyo Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa uga xog waramay guddida xaalada uu ku suganyahay Gobalka Togdheer, waxaana ay sheegeen in Gobalka ay ka jiraan abaaro, isla markaana Biyihii iyo Baadkii ba ay gabaabsi yihiin, isla markaana dadkii Xoolo dhaqatada ahaa ee Gobalka Togdheer ay u hayaameen deegaamada Soomaalida Itoobiya.
Gudida Joogtada ee Golaha Wakiillada ayaa waxa ay uga mahadnaqeen Guddoomiyaha Gobalka Togdheer iyo Maayarka Magaalada Burco sida ay u qaabileen ee ugu xog warameen.

Dhinaca kale Gudida Joogtada ee Golaha Wakiilada ayaa waxa ay kormeer ku soo mareen mashruuca Naaxinta Xoolaha ee Aroori, waxaanay warbixin ka dhageysteen Isu-duwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Gobolka Togdheer.

Leave a Reply