Wasaaradda Maaliyadda oo Dardar Gelisay Nidaamka Isla-xisaabtanka

0
473

Hargeysa (Dawan)- Mr Maxamed Cabdi Gurxan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan hay’adaha loo samayn doono qeybta baadhitaan gudaha (internal audit), si loo dhiirigeliyo nidaamka isla-xisaabtanka.

Kulan wasaaradu soo qabanqaabisay ayaa lagaga dooday qaabkii loogu turjumi lahaa luuqada af soomaaliga siyaasadaha baadhitaanada gudaha (internal audit) iyo halbeegyo xisaabaadka Dawladda oo hay’adaha dawlada ku shaqeynayaan.

Ag guud ee WM Maxamed Cabdi Gurxan oo ka hadlay kula hawleed lagu qabtay hargeysa ayaa yidhi, “Internal audit ama baadhista gudaha iyo hagayaasha siyaasada baadhista gudaha ee hay’adaha kala duwan lagu maamuli doono, waa muhiim in aynu turjumno oo ansixino.

Agaasimaha guud oo sharaxaad ka sii bixinayey muhiimada tababarka ayaa sheegay in baadhista guduhu muhiim u tahay ama laf dhabar u noqonaysaa qorshaha guud ee dib-u-habaynta maamulka maaliyadda.

Wasiir-xigeenka WM Mr Muuse Ibraahim Yuusuf oo si rasmi ah u furay kulan ayaa sheegay in loo baahan yahay dib-u-eegista siyaasadahii hore loo diyaariyey iyadoo loo eegayo nidaamka caalamka.

Leave a Reply