Mudanayaal ka ka Hadlay Halista Tahriibka iyo Dedejinta Xeer lagu Xakameeyo

0
442

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Baar Siciid Faarax, iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa ku taliyay in ajandaha qodobka koobaad laga dhigo xeerka ka hortagga iyo xakameynta ka ganacsiga tahriibta, si bay yidhaaheen looga badbaado halista tahriibta ee maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhaysa.

Xildhibaan Baar Siciid Faarax ayaa mar ay ka hadlaysay Tahriibka iyo dhibaatooyinka uu gayaysiiyay bulshada, waxaa ay sheegtay in qoysaska qaar ay ka tahriibeen ubadkii ay dhalleen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ugu horeyn arrimahaa ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Anigu waxaan ka dhigilaha qodobka koobaad ee ajandaha xeerka ka hortagga iyo xakameynta ka ganacsiga iyo tahriibka, maaddaama ay dhallinyaradeenii shaqo la’dahay, waxaa soo baxay kooxo isku xidhan oo dhallinyaradii bilaa camalka ahayd, markay Jaamacadihii ka soo baxaan ku odhanaya ‘nolol ayaa jirta Yurub waxaa aanu idin marsiineynaa Itoobiya, Sudan, Liibiya.

Liibiya ayaa dhallinyaradeeni lagu wada haystaa oo habeen walba iyada oo la garaacayo baraha bulshada loogu soo dirayaa, si looga doono lacag madax furasho ah, marka xeerka ka hortaga iyo ka ganacsiga tahriibku waxaan aan siin lahaa muhiimadda koobaad waxaa aynu ka dhigaynaa xeer aynu aad uga doodno”

Xildhibaan Baar Siciid Faarax, waxaa ay daboolka ka qaaday in ay jiraan waalidiin ubadkii ay dhalleen ka tahriibay, si taasi looga baaqsadana waxaa ay soo jeedisay in xeerka hortaga iyo xakameynta ka ganacsiga tahriibta, la soo horreysiyo lagana dhigo qodobka koobaad ee ajandaha hjoryaala golaha wakiillada waxaanay tidhi. “Tahriibtu ubadkii iyo xaafadihiiba meel xun ayay la mareysa, waxaa lagu sheegaya reer labadii qofba is raaceen oo Tahriibeen, oo hadday doonaan carruurtiiba ka tegay, anigu qodobka koobaad ayaan ka dhigilahaa si loo soo horeysiiyo”

Leave a Reply