Waxaan Bixinayaa Waxa Awoodayda Ah

0
94

Litha Ibnu Sacad waxa uu ka ganacsan jiray Malabka, markii ay dekedda ugu soo xidhatay dooni u siday  foostooyin Malab ah, ayay islaan da’ ahi oo sidata weel aad u yari weydiisatay inuu uga buuxiyo weelkii yar ee ay sidatay Malabka, laakiin waa uu u diiday. Islaanta oo murugysan ayaa iska tagtay.

Ibnu Sacad ayaa amray ninkii la shaqaynayay inuu soo ogaado guriga islaantan, ka dibna uu u qaado Foosto malab ah.  Kaaliyaha ayaa aad ula yaabay waxaana u ku yidhi “ Mudane waxay ka codsatay inaad weel yar wax ugu shubto waana aad u diiday, imikana waxaad leedahay foosto u buuxda u qaad waa sidee arinkaagu ?”

Ibnu Saciid ayaa ugu jawaabay:“Iyadu waxa ay wax igu weydiisatay weelkii ay heli karaysay ee awoodeedaa ahaa, aniguna waxaan wax ku siinayaa weelkii aan heli karayay ee awoodayda ah” .   Waa akhlaaqada kuwa fahmay sadaqada iyo wanaageeda. “ Hadduu ogaan lahaa kan wax bixiya in sadaqadiisu ay ku dhaday gacanta Allah (sw)  ka hor intii aanay gaadhin gacanta ka baahan , faraxadiisu waxay ka badan lahayd, kan la siiyay farxadiisa”.

(Kitaabka Faa’iidooyinka Sadqada  Page 17, 18,19)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here