Mar Kasta Wanaag U Samee Dadka!

0
546

Mararka qaarkood waxa dhacda inaad laabta ka dareento cidhiidhi iyadoo ay sabab u tahay dadka oo ku fahmi waayay ama ku dhaliilaya. Dareenkaasi  yaanu kugu keenin dhibaato, maxaa yeelay maaha arrin khasab ah inay dadka oo dhami kuwada fahmaan, waxa kugu filan inaad adigu naftaada  fahanto.

Ogow haddii aad wanaagsanaato dadku way ku eedaynayaan mar kasta, laakiin adigu samee arinka wanaagsan. Haddii aad guulaysatona, waxaad ku guuleysan doontaa saaxiibo been ah oo ku hareera jooga iyo cadow dhab ah oo ka soo horjeeda.

Si kasta ha ahaate waa inaad guulaysataa. Dadku runtii waxa ay u baahan yihiin kaalmo, laakiin way ku dhallecaynayaan haddii aad iyaga caawiso iyo haddii kaleba. Laakiin mar kasta kaalmee si aad ugu raaxaysato nolosha wanaagsan ugana baxdo cidhiiga iyo diiqada nolosha xasadka, niyad jabka iyo cuqdadu ku lamaan tahay.

 

Leave a Reply