11-kun oo Dollar oo lagu Wareejiyay Xulka Gobolka Hawd

0
440

Hargeysa (Dawan) Dr. Edna Aadan Ismaaciil, kana mida haldoorka haweenka reer Somaliland, ayaa qadar lacageed oo dhan $11,000 kun oo dollar guddoonsiisay xulka Gobolka Hawd.

Munaasibadan ciyaartoyda lagu guddoonsiinayay lacagta oo ka qabsoontay gudaha magaalada Hargeysa, ayaa ahayd, mid si weyn loo soo agaasimay.

Qadarkan lacageed ee dhan 11-kun ee dollar ayaa aheyd mid lagu dhiirigelinayay ciyaartoyda xulka gobolka Hawd.

Lacagtan ayaa waxaa iska soo uruuriyay haweenka gobolka Hawd oo taageero u muujiyay xulkooda, ciyaar wanaagii ay muujiyeen muddadii uu koobku socday.

Leave a Reply