Daallo Airline oo bilowday duulimaadyo cusub oo baahi loo qabay

0
1188

Shirkadda duulimaadyada diyaaradaha ee Daallo Airline, ayaa shaacisay inay bilaabayso duulimaadyo cusub oo xidhiidh ah.
Daallo Airline oo kamida ah Shirkaddaha waaweyn ee isku-xidha Geeska Afrika, Bariga dhexe iyo wadamada kale ee Caalamka, bulshada Soomaalidana kala soo kifaaxday xilligii burburka iyo dawlad la’aanta, ayaa duulimaadyada cusub ee ay bilowday waxa lagu sheegay farriin wargelin ah oo lagu baahiyey Baraha warbaahinta ee Shirkaddaaasi.

“Shirkada Diyaaradaha Ee Daallo Airlines Waxay Ogaysinaysaa Dhamaan Macamiisheeda Iyo Dadka Jecel Inay Dhoofaan In Shirkadu Ku Soo Kordhisay Duulimaadyo Dheeraad ah laga Bilaabo 29/Nov/2020 Jadwalka Duulimaadyaduna waa sidan”sidaasi ayaa lagu yidhi farriinta Ogaysiiska ah.
Waxaana sidoo kale Jadwalka duulimaadyada cusub ee Shirkadda lagu sheegay sidan:
Axad: Nairobi/Mogadishu/Hargeisa/Dubai
Isniin: Dubai/Hargeisa/Mogadishu/Nairobi
Arbaca: Nairobi/Mogadishu/Hargeisa/Dubai
Khamiis: Dubai/Hargeisa/Mogadishu/Nairobi”

Si kastaba ha ahaatee, duulimaadyadan cusub ayaa fursad weyn u soo kordhinaya shacabka Soomaalida ee baahida weyn u qabay isku socodka Dalalka gobolka iyo dunida kale.

Leave a Reply